Q-46aad taxanaha adeegto

Photo by Pavel Danilyuk on Pexels.com

“Xaggee loo socon lahaa, weligeen ma digsi baynu babbinay- naa miyeynaan innagu adduunka wax ku lahayn, filim baan u soconnaa wixii kaloo aan heli karrana kama dayrinaynee cagtaynu marinaynaa”.

Filimka la galayoo awalba way u guuxaysay inay bal mar uun soo daawato waxa filimka lagu magacaabee magaaladu ka dabo dhacday iyaduna ayn weligeed isha ka qaadin, inkastoy bil dhawr ah Xamar ka soo tooseysey, middayse ay sinaba u laqi la’dahay waa tan kalee la leeyahay waxbaan cagta marinayaa. Maryan ma aha qof sidaa loo dhagri karoo aad bay ugafeeyjig fahay arrinta ragga la xiriirta haddaan wax kale meesha imaan. “Anoo hadalkiinnii ka jawaabaya, arrintu hadday filim keliya tahay waan idin raacayaa inkastoon hawl leeyahay, laakiin, hadday hawla kaloo filima dhaafsiisani jiraan haddaba ii sheega isku lug ma noqon karaynee,” Maryan oo dhan ka fiigsan dhan kalena iska rabtaa tiri.

“Ah, ah, alla ehelu Khayrsanaa. Alleylehe waxay ku bannaan tahay tilmaantii horee layga siiyey. Waxaan kaloo ku weydiiyey wali ma afartankii shilin baad qaadataa?” Shacniyoo qoslaysaa tiri.

Sagal baa aad Nuurto ugu riyaaqday iyadoon hadlinna madaxa kor iyo hoos u gundhisay.

“Haa, maantoo dhan maad noola hadashaan, Maryan baa tiri iyadoo lagu dhibcay inay baxdana looga badnaa. “Ismaba aynaan aqoone isa soo daakhili oginaa! annigu ama aan afartan shilin qaato ama yaanan qaadane dantaad adigu leedahay waa maxay?” Maryan oo iska duweysaa tiri.

“Mayee dan kale ma lihiye ee, ee, ee ” Shacni baa indhaha taagtey inay qososhana damacday markaasaa Sagal hoos ka qandhuufatay una iljibisey si aan Maryan mar kale u diidin, masallaheedana u laaban. Shacni baa sidii biiq la qabtay inta isku naxday waxay hunnu-hunnu iyo qosol soo waddeyna dib u liqday, neeftii isku celisey ilaa ay cabburtay.

Shacnibaa intay hadalkii heli weydey sagal fiirisay. Sagal baa iyadoo aad uga xun hadalka Shacniye war sheekada u muuqday qofka war sheekoodayna iyada u muuqdo xanaaq afka buurtey. Shacni way aragtay Sagal inay isgashay. lyadoy ka dhabaqsan tahay oo indhaha buureysa bay tiri, “Maya anigu meel kalaan ka soo maqlay maahee ma in Sagal ii sheegtay baad moodeysaa. Wallaahay billaahay gabar kalaa ii sheegtay.” bay ku been dhaaratay. Sagal waa inan isu haysatey inay kooxdoo dhan madax u tahay uguna garasho roonayd. Qab madaxnimo maadaama uu ku jiro doonimeyso in laga warsheekoodoo laga daba hadlo dabadeedna ay weydo dad iyada raacsane wax ka dhegeysta.

Maryan oo dhan sagal ka xaq dhawraysa, walowba ay si ugu ciil qabto, dhanna iska celi leh tan maagtay bay tiri, “Adigu meel kastaba ka maqaloo waxaan anigu u arkayaa inay aflagaaddo tahay, maad isa saxdid, mise inay ina ka sii qasantaad door bidaysaa.” Nuurtaa door biddey inay wax dhexdhexaadiso. Intay soo booddey bay mid walba garabka ka taabtay oo tiri, “Naa bal suga, arrintu sidaad u qaadaadhigaysaan armayan kuba habboonayn. Horta Shacni way afxuntahay waana lagu yaqaan. Maryanna meel cidla ah bay ka ridday, hadda iyo dan caawa waxaa la soo goostay in filim la tago, marka iyadoon laysku khasbayne qof waliba istikhyaar leeyahay, Maryan haddaad dooneysid ina keen shinimadadana u soo gunto, haddadan dooneyna shaqadaada wado waana inoo mar kale.” Maryan aragtay aad bayna u dhuuxday dhaqdhaqaaqa meesha ka socdey iyo dhufayska laysugu jiray iyadoo aad uga digtoon danteedana ilaashanaysa intii itaal ah bay kacday oo lacag soo qaadatay. Markay lacagta la baxaysey ayay canbuur kabo iyo garbasaar wacan dhag isku wada siisay.

Habartii baa inta naxday tiri, “Maryan caawa waa xaggee? ma meel fog baa mise waa meel dhow?”.

Maryan oo awalba ugu soo talo gashay in la ogaado habartana uba sheegto meeshay u socoto baa inta is gundhisay tiri, “Eeddo dhaaxaba meeshaan waa fadhiyey haddana meel dheer aadi maaye filim halkan dhow ka socdaan tagayaa dhawaanna inaan ka soo laabtaan ku rajo weynahay”. “Bal waa yahay alla ha ku nabad soo celiyee caawa waa markii ugu horreeysey eed isdhallinyarayso intii aad gurigan joogtaye aan yarayne dhawr sannadood.“Bilaabataye booyaalow maxay ku dhammaan?” habartii oo aad u shakisan waxay sheegtana garan la’ baa tiri.

Maryan waxba ma sii daahine way baxday, saaxiibbadeheed oo sugi la’aa baa markay arkeen Maryanoo shacniga ka muugdaa iyaga si walba u daboolayee soo socotaa is wada dhugtey. Way iska wada khajaleen iyagoon hadalla waxay qireen in Maryan si weyn uga bilicsan tahay meel kastoy maraanna iyadu muuqaalkiyo malkadaba qaadan doonto.

Midiba mid bay sii eegtay oo haddana Maryan eegtay. Afka la wada buurey oo waxaa la jeclaystay in halkeeda looga tago. lyadoy ugu badan tahay sidaa baa Nuurto tiri, “Naa naagtan suuqa lama mari karaynoo mukulaal aynu dadka u noqonaaye yaynaan is raacin”.

Sagal baa iyana madaxa “haah” u lushay, Shacni oo intaba u fool xun una da’ weyn lagana yaabo inay aad uga waaya-aragsan tahay, baa tiri “Allow carruurey! Naa miyeydnaan la socon hal-hayska ah: qurux u dhalo ama doqon qurux leh raac! Aamusa maantay inoo dagatayoo khayr inoo ku dhow yahaye. Haddaadan adigu qurxoonayn waxaa la doontaa doqon qurxoon oo ragga soo jiidata dabadeed halkaasaad ku lafa ruugeysaa”.

Labadii kalaa qosol la dhacay. Intayn hadlinna waxaa goobtii isa soo taagtey Maryan oo yare ka khajalsan daymooyinka kulule sida xun ogadeeda isu dhaafdhaafayey.

Cabbaar baan la hadlin oo maryan siyaabo laga yaabo loo eegayey dad quustay iyo dad farxayaba.

Mar uun baa Sagal ood mooddo inay hadalka ku naxday tiri “haye, maad ina kicisaan Maryan timidoo waad u jeeddaan”.

Sidii qof wax akhrisanayeye waw laga dul yiri baa isku mar la wada boodey. Horaa laga baxay hadal la’aan. Habartii intay soo daba gashay bay sii eegtay Maryan bixiddeeda. Waxay ugu sii ducaysey inay soo nabad noqoto. Wax la sii socdaba waxaa la gaaray meelaha gaadiidka laga raaco. Baabuurta meelaha maraysey ragga wata iyo ragga kalee lugaynaya dhammaantood waxay isha ku wada hayeen Maryan, farta la fiiqayo, isha galac leh, madaxa soo qalloocanayee dham­maantood Maryan bartelmaameedka u ahayd way tiro beeleen. Kuwa la socda wax eegaya ama dan ka lahaa ma jirin. Cabbaar baa gaadiid la raaco la sugayey. Mardambaana meeshii waxaa soo maray bas yaroo dawladdu leedahay dhallinyarana wadatey. Aad baa Maryan isha loola raacay. Meesha dadka dhoobani ma yaroo gaadiid bay sugayeen 

Dhallinyaradii baabuurka wadatey baa is qabtay oo mid ka mid ahi yiri, “waar jooji baabuurka inantaas baan qaadaynaaye”.

Intaa markuu yiri baa kii baabuurka wadey joojiyoo yiri, “u soo yeer dadkaad sheegeysid anigu waan daahsanahaye”.

Kii wax joojiyey baa baqay inuu yiraahdo qofta ma aqaane haddaan rabaa inaan maagoo ka sameeyo aqoon iyo isbarasho. Maduxuu inta meermeershey qoslay. Dhamaantood waxay wada eegayeen Maryan. Dadka meelaha kadhowoodhammi way garteen sababta baabuurka loo joojiyey kaddib markii daymooyinkooda la arkaye loo fiirsaday.