DHAGAYAROW GEEL

Photo by Talha Riaz on Pexels.com

Dhalandhoolka dhaar iyo labay sii dhabraaricine

Dhibna kuma ahoo waa waxay duunya dheertahaye

Dhul la qoday dhagxaan riiqanoo dhooqa laga tuuray

Ceel hoos u dheeraaday baa yeelka loo dhigiye

Ayadoo dhigaal quruxsan baad dhaaya fulisaaye

Dhul ugbaad ah waa kay tagtiyo dhaayinkoo baxaye

Inkastoon dhaqaaleeyayoon dhaara badan raacay

Iyo geel dhibaatadaan la maray dhowr kan oo sanaba

Dhayigiisa maantoo kalaan dhaawashow ahaye

Wallee iga dhammayn waa aqligu dhagayarow geel.

Abwaan Dhalagaawe