Gari Allay taqaan

Photo by Zhanzat Mamytova on Pexels.com

Waxaa jirtay seddex wiil oo walaalo ahaa, midkii ugu weynaa iyo midkii dhexe ayaa hal mar laba gabdhood soo guursaday. Markii ay dhisteen gabdhihii ayuu wiilkii weynaa isla markiiba dhintay. Kadibna markii wiilkii la xabaalay, oo gabadhii asayda qaadday seddex bilood ay ciddadii u dhammaatay, ayuu wiilkii yaraa damcay in uu gabadhii walaalkii ka dhintay mehersado, waxaana u diiday kii arooska ahaa ee dhexe oo isna damcay in uu labada xaasba isku darsado. Markay is qabsadeen ayay iskula yimaadeen nin Allaha u raxmee Aw Maxamuud Cabdi Huube la odhan jiray oo Ilaahay xigmad iyo caqli ku mannaystay. Markay u yimaadeen ayuu gurigiisa fadhiisiyay, dacwadoodii buu ka dhagaystay, wuxuu u keenay shaah. Bahal manuun la odhan jiray oo shaaha lagu cabbi jiray ayuu buuxiyay wuxuuna u dhiibay midkii xaaska lahaa ee rabay in uu isku darsado gabdhaha. Manuuntii kale oo uu la sugayay ayuu haddana hoo yidhi. Wiilkii baa yidhi, “Waan cabbaye sideen dhahaa tan kale”. Aw Maxamuud baa yidhi, “Adigu sedeed isku dhihi labada gabdhood ee arooska ah?”

Sidii ayuu nimankii ku kala saaray.