Halkeedii bay hawshii tirada badnayd ka miistay..
Inkastoy hawlo badnayd lacagtuna ku yarayd haddana may dhogor xumayne aad bay u bilic samayd. Dharkay heshayna mid qurux badan buu u badnaa. Ina rag kii arkaa kama ilrogeyne wuxuu iswada weydiin jirey siduu u baran lahaa.
Maryan inkastoy badow ka ahayd ayanna si culus u daneyneyn, illeen dan bay ka lahaydoo waxay is lahayd kolley ciirsi ma lihide meel aadan hubin ha gelin, xadxodada ragga haddana waxaa ku soo furmay indho iyo afaf tiro badanoo kala wada duwan. Dariiqay istiraahdo ka laababa waxay la kulantaa il loo dabayo iyo at loo dhuubayo. Waxay bilowday halgan iyo nafteedoy waaniso.
Kooxaha iska daba shubayey waxaa ka mid ahaa Dawaarlayaasha oy is tiraahdo dhar ka tolo, suuqleyda oy is tiraahdo wax ka soo gad dhallinyarada deriska ahee had iyo goor lays arkayo iyo nin alla ninkii meelahaas mar uun ka hanqaloocsado haybadeeda. Waxay noqotay dhexyaal dhan walba laga daneeyo iyadoo nin waliba isu daahayo isna leeyahay kaligaa yay ku dhaafin.
Maryan way mintidday intii itaalkeeda. Mudday culayskaa udul lahaydoo danteeda ka jirtay.
Weli wax lacag ahoo loo kordhiyey may jirin. Yare waxbay fahamtayoo niyadsamidii hore way ka sii dhimanaysaa. Had iyo jeerba waxay la kulmi jirtey kuwo dhiggeed ahoo meeshay iyadu afartanka iyo wax la mida ka qaadanayso qaata labo boqol iyo ka kor. Xin iyo Xaasidnimo ku soo bilowday walowba ayn xargaha goosan.
Iyadoo si markii loo eego dhaansan baa galabtii dambe waxaa booqasho ugu yimid Sagal iyo labo gabdhoodoo kaloo iyana adeega.
“Hooddi, hooddi, maxaad sheegteen?” Sagal baa tiri.
“Alla waa Sagal! soo gudba nabad baannu sheegnayee idin- kuna iska warrama?” Maryan oo si faraxsan baa tiri.
“Waxba yaynaan waqti qaban anaa kuu iman doonee, isma weyneyno oo dad isku meel ku nool baynu nahay, “Sagal oo inay baxdo u hinqatay baa tiri.
Mid waliba shaqadeedii bay aaddey. Maryan baa dib eegtay markaasay aragtay habartii reerka oo kuurka ugu jirta ilaa iyo maan- taasna dhegeysaneysey waxay ku wada hadlayeen. Maryan aad bay uga naxday habarta. aragtay in la sir ogaadey. Sagal baxday, Mary- anna iyadoo naxdin caga jiideysa bay shaqadeedii bilowday.
Habartii oo guntatey aadna uga baaran degtey, sirta Maryan baa goosatay inayan wiilkeeda ka qarin arrintaa. Waxay ku tallantay ma sugtaayoo caawaba faraha ma ka saartaa iyo mar kale ma u sheegtaa. Waxay ku deysatey inay caawaba u sheegto.
Ciddii talantaal u soo hoyatay. Habartu sharqantii soo yeertaba wiilkeedii bay mooddaa wuxuuse noqday qof kii u dambeeyaye soo hoyda.
Siday hadba madaxa ula kacaysey qofkii soo galaba “waa kuma?” u lahayd baa hurdadiiba ka tagtay, inkastoy awalba ku yarayd.
Mar dambe habeen bar tahay ayuu soo dhacay, halkaasoy inta kacday gurigii dib uga saartay meel cidlo ahna inta la tagtay waxay maqashay iyo waxay ku milxayn lahaydba ugu dhiibtey, “War waa ninka reerka, maqal, waxaad yeeleysaa waa inaadan u fiiro la’aan, gabadha reerku ku nastaye Maryan la yiraahdo haddii kale ma raan mar ahayn baad qoomamayn doontaa. Degdeg waa in lacagta loogu kordhiyaa oo asaaggeed inta qaataan in looga badiyo maahee aan marnaba looga yarayn”.
“Hooyo, anigu horayba waxaan ku taliyey in lacag badan la siiyo, laakiin afada reerka dhaqaalaha u haysee shaqada laga furtey baa taa diiddey, marka haddii iyadii la nasinayey wax masuugeyso waxba yaynaan arrintan danayne aynu ka nasanno,” Ninkii reerka ayaa yiri. “*Taa anba waan arkaa ha yeeshee, waxay arrintu iska kay tustay dhan kaloo ah danta guud iyo wanaagga gurigoo dhan. War miyaadan la socon sida nolosha reerku isubeddeshey? Adiguse intaad dhanka keliya ka arkaysid miyaadan gurigan mas’uul ka ahayn. Ilmahayga keliya u daneeyoo waa inaad wax garataa,” habartii oo si u kacsan baa tiri.
Isaga aad buu u daallanaa inuu seexduna ka door bidayey lasii tashiga habarta. Intuu xoqxoqday dhaqaaqna u hinqaday buu yiri “hooyo, waa yahay anaana dhammaynaya ee waa goor dambee iska seexo.”
Hadal la’aan bay gudaha galeen. Maryan baa soo booddey iyadoo lulmaysan oo casho isagii u dhigtay. Habartii baa inta soo daba gashay Maryanoo cashadii wadwadda isagii u iljibisey; dhig- tey inta afka u saartay isagii ku tiri, “xataa naagtaadaan sidan weli- geed kuugu shaqayn”. Isagiina sidii qof waanadaa qaatay buu madaxa ruxay. Maryan way u jeeddey dhaqdhaqaaqa dheeraadka ahee meesha kasocdey mase oga in iyada looga danaynayo. Waxay u qaadatay in iyada jar loogu dagayo maadaama sir laga hayo. Tuhumo khalada baa Maryan gashay. Walwal iyo walaac baagalay. Mar waxay qoomamaysaa imaatinkii Sagal mama hadalladeedii, waase warmoog.
Isagii baa hoos u sii daymooday Maryan mise quruxda iyo jalaqsanaanta ka muuqataa waa mid wax loo dhigaa ayan jirin. Labo kooboo yaryar buu soo leqayoo xarig xiraa ma jiro hadday dhan kale iska tusto, ha yeeshee dhab uma diyaarsaneyn oo wuu yare ladnaa.
Maryan waxay dhex taagneyd jikada iyadoo sugeysey habaynta weelku cuntada ku cunayo. lyadu isaga uma jeeddo oo wayba ka baqaysey isaguna intuu u jeeduu quruxdeeda si xeel dheer u daawanayaa.. Isagoo taa ku mashquulsan buu fadhigii meesha ku daalay hurdo xun iyo daal xad dhaaf ah baa iyada hayey goor horena inay kacday rabtey.
Cabbaar markuu jiriqsanayey miiskadushiisa buu mardamboo weelkuu cuntada ku cunay qallalayba, ka dib markuu arkay inayan imanayn walowba uu jeclaan lahaa inay inta u timaaddo agtiisa marmarto weelkana qaadaa dhigto, inta kacay si caqo jiid ah u hurdo tagey.
Lays moog! Qof dhargiyo qof inuusan dhiman raba. Mar alia markuu qolkiisii galay baa Maryan ood huf hilib aragtay mooddo weelkii la kala booddey horayna inta ka nadiifisay hurdo dhag tiri.
Intaan la hadal baa labadii kale iyagoo aad uga masayrsan quruxdeeda is eegeen isuna iljibiyeen, mid baa hadashayoo hoos waxay u tiri, “Qurux lagu khasaaray dheh!”
Tii kalaa qosol gaabanoo qarsoodiya afka la duubatay. Sagal way maqalaysey hadallada yeerayey, Maryanna wax tuhuntey mayse maqal xantu waxay ahayd. “Annagu nabad, gabadhaan Nuurtaa la yiraahdaa inkastay aad u madow dahay, geeddana Nuuro, taana Shacni baa la yiraahdaa inkastoon wax Shacni ahi ka muuqanoo oy caatiyo fool xumo isku darsatay. Gabadhaan magac laga miskiin ma ahee Maryan baa la yiraahdaa. Haddaan in yar sii raacsho kulligeen isku shaqaynnu nahayoo dadyow kalaan canjeel- ada u dubnaa bay ila tahay,” Sagal oo qoslaysa baa tiri.
“Barasho wanaagsan,” Maryan baa tiri.
“Barasha wanaagsan, Nuurtaa tiri
“Sagal aad baad ugu mahadsan tahay hawshaad gudatay, waana mid loo baahanyahay” Shacni oo weli Maryan sii eegasaa tiri.
“Mid su’aal ah, caawa firaaqo waad leedahay baan u malay- nayaa, haddaadan lahaynna mar kastaba waad na raacaysaayesoo xirxiro”. Sagal oo wax duufso is leh baa Maryan u dusisey hadalkaas.
“Ma anigu, firaaqo weligeyba ma yeelane xaggee loo socdaa?” Maryan baa tiri.
“Xaggee loo socon lahaa, weligeen ma digsi baynu babbinay- naa miyeynaan innagu adduunka wax ku lahayn, filim baan u soconnaa wixii kaloo aan heli karrana kama dayrinaynee cagtaynu marinaynaa”.