AW MAXAMUUD CABDI HUUBE

Photo by Stanislav Kondratiev on Pexels.com

Seddex anigaa u joogay

Seddex wiilkeygaa u joogay

Seddex wiilkaan awowga u ahay baa u joogi doona!!!

Seddex anigaa u soo joogay; Tag la facaadiyo, tanaad geel loogu jecel yahay iyo Talo nin madax cad la weydiiyo. Seddexdaas anigaa u soo joogay.

Seddex wiilkeygaa u joogi doona; Tag qurux loo guursado, tanaad nugul loogu jecel yahay iyo talo dhallinyar la weydiiyo. Seddexdaas wiilkeygaa u jooga.

Seddex wiilkaan awowga u ahay baa u joogi doona; Tag macsiyo ah, Tanaad lacag loogu jecel yahay iyo talo xafiis taalla, sedexdaasna wiilkaan awowga u ahay baa u joogi doona.

Runtii arrinat dambe ayaan ku jirnaa Alle ha ina badbaadiyo, adduunkii wanaagsanaa horay buu u batay.

Siday kula tahay???