Mar alla markii lays arkay baa laysku soo boodey salaan kululla lays dhaafsaday.
“Alla waa Sagal, ii warran abaaye? Soo ma ladnid?” Maryan oo qusleysa baa tiri.
“Nabad Maryan, maxaad haysaa? cid kale ma joogto miyaa?”* Sagal baa iyana tiri.
“Anigiyo habartii baa joognee bal nafta ka warran? Ciddii kalena ka warran, gaar ahaan duqihii Xaliimiyo Faadumo?” Maryan baa tiri.
“Naa anaa ku warrami doonee, adigu xaggaad wax marinaysaa? Wax dhibaato ahse ma la kulantay intaynu is moogeyn?” Sagal baa tiri.
“Kuu warramay; anigu shaqadii waa bilaabay. Lacag waxaa lagu qoray soddon iyo shan shilin bilowgii waase lay kordhin doonaa waqti ka dib,” Maryan baa tiri.
Sagal baa markay maqashay intay kor u booddey waji yaabna muujisay waxay tiri, “yaah! Naa maxaa tiri! Soddon shilin aa! ma kaa dhabaa mise anaad igu cayaaraysaa! Naga daa cayaartoo runta soo daa”.
Maryan oo dhan ka shakisan dhanna ka baqaysa waayo-aragnimo darraadeeda darteed baa tiri, “Heeh, taa ma wax lala yaabaa? runtii arrin waa sidaa. Sida muuqatase taasi waxay ku dhacday anaa miskiin badowa ah. Laakiin hortaa bay ii muqatay arrintu waxaanna ku deystey inaan iska dul qaato ilaa muddo intaan ka ilbaxayo.”
“Naa naga aamus ilbaxnimadaada maahee! ma qof bani’aadan ahoo maanta joogaa soddon iyo shilin ku shaqayn kara, weliba shaqadu waa is dhaantaaye, mid adeegid ah.
“Naa iska soo bax anigaa waxaad cuntid ku siinayee, ma Eebbe ayaa kugu qabtay dhiigmiiradkan ama waa la dhintaa ama waa la noolaadaaye,” Sagal oo xanaaqa ka muuqdaa dhab yahaye ciil iyo caro darteed kurbanaysa baa tiri.
Maryan oo si u shakisan dibna ka baqaysaa inta Sagal garabka ka taabtay, si ay u dejiso, waxay tiri, “Abbaayo, adoo mar mahadsan marna mudan abaal, waxaan kaa codsanayaa inaad yare ii kaadisid.”
“Taa waxaan u leeyahay waad ogsoon tahayoo anigu ma ahi qof inta ilbaxday si fiican isu dabbari karaysa. Waxa i haysta duruuf adagoo aanan ayaamahan ka gudbi karayn ilaa aan waaya- aragnimo u yeesho, marka waxaan doonaya aanoo ogsoon dulmiga lay dulmayo inaan isaga meel gaaro”.
“Naa belaayo ku meel gaartaye dharkaaga soo qaado ina keen, waxaan maqli karayo taasi maahee. Naf adakaa ma dameerbaa!” Sagal oo xanaaqsan baa tiri.
Maryan way shakiday oo waxay istiri: “armaa habartii belo inta soo dirtay lagu dagayaa”. Way hammidey oo waxay malaysay iyadoo inta reerkan ka tegtay marti u ah habar baastii markaasay sidii wax hurdo ka soo sasay tiri, “Haah, mayee si kale maahee bal in muddo gaaban ah inoo ku sin anaa berri ku tusi doona anigoo intii loo baahnaa qaadanayee”.
“Wallee qofaan noolayn baad u egtahay, sida kaa muuqatana meeshaan aad isku dhejineysid baad mar aan fogeyn ku bas beeli doontaa, haddaadan dhaqso u tashan. Adigu qof diidey baad u sansaan egtahay anniguse waxaan kugula talin lahaa inaad haddeerba irridda inaga saartid, balse taladaadii kuu yeelaye waa meeshay ku dhigtaa”. Sagal baa tiri intay inta ciilkii iyo carradii dib u leqday iska qabowdey.
Maryan baa Sagal garabka ka taabatay oo tiri, “Haa runtii waan kaa qabaa waanadaa iyo waxqabadkaa wacan ee walaaltinnimo. Waxaad iiga warrantaa Xaliimiyo Faadumo?”.
“Faadumo sideedii bay u kala miiseysey, Xaliimana maalintiiba way dhooftay. Dhawr kol bay i kaa weydiiyeen anna waan ku qariyey, waxaanna ku iri reer ay u socotey bay heshayoo aadday. Intaa markay maqleen bay iska aamuseen gaar ahaan Xaliimo, Faadumase aad bay kuugu ciil qabtey oo bushintay hoosta kaaga qaniinsanayd, maxaa yeelay aad iyo aad bay u rabi lahayd dukaankay wax ka gaddo kuugu sharraxto markii laguu baahdana si gaar laguu beecsho. Taasise ma dhicin oo afkay ciidda la gashay”. Sagal baa tiri.
“Allaylehe waa guul adigaana i gaarsiiyey, maw malaynaysaa haddaadan adigu joogteen inaan debinkaa ka baxsan lahaa? Maya weeye jawaabtu. Waxba waxbaa loogu daw galayaaye guushaan maanta hayo joogistaadii iyo dadnimadaadaa loogu daw galay. Manfaceeda anaa leh mahaddeedana adaa leh,” Maryan oo intii qof farxo faraxsan baa tiri.
Intiiba habeenkii baa dumey. Maryan baa aragtay in hawlo badini sugayaan. Intay hadba dhan eegtay bay tiri, “Abaaye adoo mahadsan shaqaan galayaaye goormaannu ballannaa”…