Q-38aad oo xasaasi ah taxanihii adeegto

Photo by Evgeniy Zabrodin on Pexels.com

Maryan oon iyadu isu arag sida dadku u arko aadna uga yaaban tilmaamaha la siinayo baa inta qososhay tiri, “Eeddo anigu wali ma garan waxaan amman uga la’ahay ee ummadda la iiga daba ridey”.

“Allow qofaan wax ogeyn ha cadaabin! Adigu mar waad qurux badan tahay, mar waad cusub tahayoo uma muuqatid ama ma tihid kuwa inta la labalisay guraye salaglaha ah. Ina rag wuxuu weligiiba jecel yahay waa mare cosobsiga marka kalena diga-rogoshada. Waxaan filayaa inaad ilaa iyo hadda qof noole is-haysata tahay marka anna waxaan kugu waaninayaa anoo hooyadaa oo kale u hadlaya, inaad aad naftaada u ilaalisid oodan is dulleyn. Waxaa hubaal ah inaadan marnaba guur waayeynin sababtoo ah wixii rag gabar ku guursan jiray oo dhan maalka marka laga reebo aday hanti kuu yihiin, maalkana llaah baa haya,” Habartii baa tiri.

Maryan waxay aad ula dhacday waanadii habarta, niyaddeeday ka saartay wareegga danteeda dilayee asaaggeed ku hoobteen. Shaqadeeday jilibka u laabtay, iyadoo sidii loo dhiig miirayo, waqtigii shaqadee tirada badnaa aan wax iska beddeley jirin.

Waxay habeen iyo maalinba u faruur xiraato shaqadaa ayaa maalintii dambe afadii reerku shaqo gaabane dhawr beri ah meel u aaddey oo Safar dibadeed ah. Gurigii baa waxa isugu soo haray dadka intiisii kale afadu mushtar bay ahayd.

Odaygii reerkaa sidiisii habeenkii dambe soo daahay. Wax buu soo laacay oo ma haboonayn markuu guriga imanayey uu soo gelayeyba Maryan buu u yeeray, “Maryan cashada iigu soo dhaqso qolkaasna iigu keen”.

Maryan baa hurdadii ka soo booddey iyadoo awalba isaga laabta ku haysaye, is lahayd casho sii. Waxayse qaadan weydey cuntada qolka iigu keen. Wax uu uga jeedey garan weydey. Sidii bay yeeshayoo meeshuu weydiistey bay ugu geysey.

Cuntadii markay soo dhammaysaye ay istiri dib u laabo buu inta cududda qabtay dhegtana afka u saaray yiri, “Maryan hadalkii oo kooban qarsoodina ah caawa adaa qolkan ka xaas ahe fariiso”.

Maryan baa beerka loo dhaafay oo naxdin iyo yaab gariirtay. Meelay ka qayliso ma joogto waxay tiraahdana way garan weydey. Way baqday, naxday, yaabtay, amakaagtay oo iyadoo kor iyo hoos kurbanaysa hadal aad mooddo raadiyo tashwiish galay waxay ku tiri, “Yaah ma, ma, ma aniga?.

Intaa waxa u raacdey dhawaaqyo iyo codad aan la karayn.

“Waa sidee Maryan miyaadan i garanayn waa maxay anigaa iyo hadalladan sidii adoo aniga wax kale ii haysta. Ninkaad taqaanide odayga ahe caawa adiga ku doonayaan ahaye. Soo fariisoo bal noo sheekee intaan wax cunayno. Runtii mudda aad u badan baan kula hayey waxbaase i hor taagnaa, waxaasoo caawa aan xor ka ahay ama aynu ka wada nahay”, ninkii oo dhareer daadinaya ayaa yiri.

Maryan marba marka ka dambaysaa waa lagu sii kordhayey. Dhidid naxdimeed baa qooyey inkastoo waqtigu qaboobaa.

Dhar sidaasa ma qabtoo qof hurdo ka soo toosay bay ahayd. Waxay qabtey guntiino aan iyaduna si fiican ugu xirnayneay hadba

taf qabanaysey. Naxdintay naxday bay weliba ka sii kala furatay, si ay yeesho iyo meelay wax marisey garan la’ayd. Waxay u deysatey inay, iyadoo sidii magalooti iska taagan oon hadlayn, meeshaa iska surraato. Indho iyo laba daan bay noqotay.

Isagii cashaday u dhigtay buu, illeen waa nimaan dhammayne, Calyocalyeeyey isagoo ku qaloonbiyayana wuxuu yiri, “Maryan wax aniga iga baqayaad u muuqataaye waa sidee. Miyaadan u arkayn inaan odaygii dhammaaye reerka ahay. Ah, ah, ah, waa ii nasiib wanaag marba haddaan caawa adoo sidan u carfaya qolkan cidlada ahee naag baastii ka maqan tahay kugula baashaalayo”.

Maryan waxa maqleysey hadallada uu lahaa umase wada dhaadhicinoo way dhakafaarsanayd. Wajigiisoo iyada ku soo jeeda umay jeedin. Indhahay siin la’ayd. Hadba daymay ku xad is- oraneysey markaasay misna degdeg uga dadbanaysey.

Awal wuu fadhiyaye intuu sara kacay buu Maryan gacanta soo qabtay. Qayli bay maagtay markaasuu inta afka qabtay dhegtana afka u saaray ku yiri “I maqal Maryan, hadalkii oo kooban caawa qolkan adaa ka naag ah. Haddaad qaylisidna way kaaga daraysaa’’. Intiiba intuu luqun jibbaaray buu sariirtii ku buquujiyey.

Maryan oo dhan walba belaayo ka soo ballaysay meelay aaddo iyo waxay yeeshana garan la’ baa af labadi yeertay. Cid u timid ma jirin oo carruurtuna way hurdeen habartuna horay bay u fahamtey waxa meesha ka socda, hadday gacan geyso is tiraahdana waxay ogsooneyd waxa wiilkeedu yeeli doono maadaama uu sakhraansanaa. Habartii waxay door bidday inay ka muquurato, inta rabsho dhici lahayd oo askari iman lahayd dabadeedna dhibaato guriga gaar ahaan wiilkeeda u iman lahayd.