HUMAAGYADA AFKA SOMAALIGA

○ Humaagyadu waa farshaxanimo heer sare ah, tasoo badanaa ay adeeg sadaan hal-abuuradu, si ay ugu qurxiyaan sugaantooda,

○ Mar kaleeto humaagyada waxa lagu ladhaa sugaanta si aan loo fahmin micnaha ku duugan ama ku hoos jira shaygaa la adeegsaday,

○ Humaagyadu waxay kor u qadaan ama xiiso mugleh, galiyaan hibada hal-abuurka adeegsaday ama adeegsan doona.

○ Humaagyadu waa sawir lagu cabiray sawir kale ama la barbar dhigayo.

○ Humaagyadu mar kale waa hadalkoo hu’lasaaray ama la sogardahay amase la sayn saabay oo sida loo yidhi mahee uu si kale oo ka balaadhan micnihiisu yahay.

○ Humaagyadu sida la sheegay ama dadyow hore aynu ka hayno waxa loo qaybiyaa 11 nooc oo kala duwan, mid kastaana uu ka gadisan yahay kan kaleeto, xaga micnaha iyo qaabdhismeed kaba, waxaana kamida.

[1] Ekeeye

[2] Duurxul

[3] Shareere

[4] Qufayn

[5] Buunbuunin

[6] Lagaado “quusin”

[7] Yamxeero dayro

[8] Silan sugan

[9] Xus

[10] Sarbeeb

[11] Astamayn

Bal hadaba intaan sheegnay mid kasta aan magacawnee, mar kaleeto hadana aynu kala qaadqaadno, oo mid walba hogiisa ugu tagno, oo aynu qeexno.

1″ EKEEYE

Eekeeyuhu waa hadal ama hawraar laba shay ama wixii ka badan, laga dhaxaysinayo, xidhiidh isku sidkan, Ekeeyuhu wuxuu u qaybsamaa .

《4》 qaybood. Oo kala ah. Loo Eeke, U Eeke, Qalab iyo qaab.

Loo Eeke” waa kan loo eeg yahay ama lala wadaago wax isaga u gaara. Tusaale.

{Cabdiyoow xasan baad quruxda uga Eeg tahay}

Hadaba si aynu iskula fahano cabdi quruxda wuxuu uga eeg yahay xasan.

U Eeke” kana waa mid u Eeg mid kale. Mar kastana waa soorane, u martiya ciday is shabahaan, ama ay humaag wadagaan, tusaale.

[hodan quruxda waa sida hoyadeed]

Hodan qurux bay ledahay oo isla garanay, ee hadaba talow yay ka raacday ama uga eeg tahay, Dee meel kalaba haka doonine waa hoyadeed, oo hodan waa u Eekihii, hoyadeedna waa loo Eekihii .

Qaab” kana waa halkay labada humaag iskaga eeg, yihiin ama iska shabahaan, quruxdii, dheridii, midabkii, iwm,

Tusaale kale,

{quruxda walashabaad uga eeg tahay}

Hadaba markaba waxaad is waydinaysaa waxanay labadan hablood wadagaan waa maxay ama humaaga ka dhaxeyaa waa kee, dee meel dheerba haka doonine soo qabo waa quruxdee.

Qalab” tana waa erayada isu eegaysiinta ama qalabada isu xidha labada humaag, waxayna kala yihiin, sidii, Lagumood, Gadeedii , Caynkeedii, Oo kale, Lagaa garan,Tahay, U Eeg. Iwm Tusaale kale {hodan quruxda waa sida hoyadeed}

Hodan iyo hoyadeed, quruxdii way isaga eeg yihiin oo garanay, ee maxaa isku xidhaya, dee waa inaad markaba ila fahantaa ood soo qabataa 《sidii》 oo qalabkii ah. Bal hadaba intaasi qexitaan inoogu filane, kasoo gudub,

1.Tusaale-Tirabeed.

◇ hodan quruxda waa sida hoyadeed.

◇ xasanoow waxaad u Eegtahay birta calanka,

◇ kubada waxaad u taqanaa sida faarax.

2.Tusaale-Tixeed

[1] Sidii tuunyadii hawd

     Todobadkii ku horoo

     Gugiina uu ku taagsaday

     Tiriig baxay la moodyeey

[2] Lagumood madixoo dhashiyo sidigti maadhiine .

Lagumood madheedh u Egeey dahabki maarseeye.

Magalada barbara maalintii madasha loo joogay.

Logumood hilaacii mudh yidhi ee muuqday labo jeer.

[3] Sida dhamastu geedaha

     Dhirta uga saraysaad

    Qalbiga ugu dhigan tahay

[4] Astamaha wakhtigu

     Ina soo marshaa

     Isu wada Ekaa

     Mantana afduub

     Igula Ekaa.

[5] Sida cir ku hooray meel cosobloo

     Cadceedii usoo baxdaad tahay.

[6] Dhameelka hawdiyo

    Hadaad tahay hunguri dhubuq

    Dhuuntaan ku marin laa.

2″ DUURXUL

Waa hadal ama tix ula jeedo fog leh, sidoo kale waa hadal ama tix cidii lagu waday aan si cad loogu abaarin looguna tabin, ee wax kale loo soo mariyo ama loogu soo sogor daho. Waa hadal cida loola jeedo mahee cid kale humaaga losoo tix raaciyo. Mar kaleeto duurxulku waa hadal qarsoon kana fog weedha la isticmaalay erayada ay ku dhisan tahay iyi habka loo tabiyay.

tusaale-tixeed

[1] Geenyada nin lihi qoofashee qolqolka daqaysa .

Qiyaas li,i ninkii ugu tagoow qomamaa xigi.

[2] Hasha jilicsan iyo qaalmahaad wada jaleecayso .

     Mid ku joogso layskuma darsado laba jidhaamoode.

[3] Bulsho waxay dulowdaa

     Marka geela loo diro

     Ninka maqasha daayacay.

[4] Gamaankiinan badan faytinoow gabalba waa cayne .

     Qaar baan ka goor iyo ka goor godolka daynayne .

     Qaarbaan garmaamada la barin gaalibna aqoone.

     Gabax lagu shakaal yoow sengihii gaabi orodkiiye .

     Gacalnimo hadaad naga rabtaan go.aha noo doorsha .

     Hadii kale sidaa noo gasheen yaa inoo godoba.

3″ SHAREERE

Shareeruhu waa qodob kulmiya laba humaag oo kala xeeldheer, markale waa hadal ama hawraar lagu mideeyo laba humaag oo kala madax banaan,

Mar kale shareeraha waxaynu u aqoonsan karnaa humaag mar kasta laga dhex dheehdo kalmada. Waxaa iyaduna waa sumadaha shareeruhu caanka ku yahay, waana xidhidhiye, U gaara shareeraha,

1. tusaale-tirabeed

◇ Hodan waa birtii calanka

◇ Cabdi waa shabeel.

Halkaa waxa kaga dhadhamaya oo kaga iftiimaya kalmadii ‘Waa’ Oo labadaa wedhoodba si xeel dheer isugu xidhay.

Bal xagii sugaantana aynu ka eegno.

2. tusaale-tixeed

[1] Waa dhagax nafloo hayjadaa dhigay ilaahaye.

     Waa dhabarka seedaha ku yaal sidigti dhameele .

   Dhadhaab adag hadaanu ka bixin laguma dhateene.

[2] Higlooy timahaagan hawdkaa

     Wixii ku halaaba lama helo

     Nahooy gugoo horayeey galabta may raaci.

[3] Afar labo lix goor ayuu Sidan iiga loogsadaye.

     Mar uun igama liibaansanine way iga ladaabsadaye.

     Alla labiyo toban goor miyey liidnimo i raacday.

4″ QUFAYN

Waa hawraar ama hadal ay adeeg sadaan sugaan yahanadu. Tiyooy ku cabiraan dareen kooda. Iyagoon waxaan caqli lahayn la hadlaya ama fariin u dhibaya, amase sidii dadkoo kale ula gorgor tamaya,

Markale qufayntu waa humaag dhex mushaaxa xayawaanka iyo dadka. Kasoo mararka qaar turjuma dareen dhaba oo dhacay . Ama dhici doona,

1. tusaale-tixeed

[1] Maxaan shimbiraha warays tay

U dhiibay waraaq daboolan

Haadii wacdigayga qaaday

Cid weeye tidhaahda weyday

[2] Fiid meerta duushaay

Fariin taydan qaadoo

Ha furfurin adoon arag

Farxadii jacaylkeen

Ku calool fayoobaa

[3] Guugulayahaw hadaad guga u ooyayso

Oo aad mooday kaligaa inuu gubayo jiilaalku

Ama aad gabooyahan ku madhan gama’ la diidayso

Gartaa maaha keligaa inaad gaar u cabataaye.

Guumays cirro leh baan ahaye war aan ku gadhsiiyo.

[4] Shimbir yahow dabaylaha

Daruuraha dhex marayaa

Meshii aad doontaba

Adigaa u duulee

Warqadan daboolane

Dusha sawirku kaga yaal

Dawadii qalbiga

Dagdag iiga gadhsii .

[5] Gabal dhaca cadceed yahay

Usii faano guratee

Casar gaaban fiidkii

Godka weeraraysaa

Go’e fulay miyaad tahay.

Waa maxay garmaamadu

[6] Gudin yahay hadaan badhkay kugu jirin imaad goyseene.

[7] Dayaxiyo cadceediyo

Xidigaha cawyskii

Cirka noo iftiin shoow

Inaan idin casuumaad

Cakuyeey u qalantaan

5″ BUUNBUUNIN

Waa tix ama tiraab qof lagu cabiray kasoo laga kaxeeyay xadigii uu ahaa . Kiyoo la amaanayo,,

Mar kale waa hadal curfi iyo wanaagba leh. Oo badiyaa sugaan yahanadu adeeg sadaan.

Mar kale buunbuunintu waa humaag tilmaamaya sida ,Muqaal , Qurux , Qiimo. Karti , Iyo ,Dheef , Uu shay waliba leeyahay Tasoo lagu daray bara dhaafin aad u saraysa,

Badiyaa buunbuuninta dadyawga qaar danbi ayay ku sheegaan, sida bulshooyin kalana ku tilmamaan, mutaysi uu mutaystay shaygaa lagu bandookhay buumbuunintu .

1. tusaale-tixeed

[1] Markay maqan tahay magaladoo dhami.

Mugdi weeyoo way madowdahay .

[2] Xagii loo dayaba waa gamaan xulashadiiye .

Goortaan xasuus ula noqdaa xiise ii qabane.

Xubno toosanoow neefku waa xeelad gooniyahe.

Waxaan xarafka dimeed ahayn igaga xeel dheere.

[3] Xuural caynti dunidee

Nabi yuusuf dabadii

Daawadashada u timidee

Dalka lagu manaystaay

[4] Dhigta kabaha iyo laafyahay dhebel u sii dayso.

Dhugay inan rag kay dhinac martaa dheelimaad galabe.

Inta dahabku lacagta dheryahay dumarka dhaantaaye.

Dhaqan iyo adduun lama hadheen dhogorta xoolaaye.

[5] Samsameey cadcediyo

Dayaxaa socdaalaa

Adigay siraadkiyo

Iftiin kaa samays taan

[6] Asmaay xural cayn yahay

Aynigaagan oo kale

Wali dunida may iman

Kuwii kula abuur haa

Uurkay ku sugan yiin”

6″ LAGAADO { QUUSIN }

Lagaado ama quusin waa tiraab ama tix uu lidkiisu yahay micnihiisa kasoo horjeeda.

Markale humagani waa qofkoo loo qariyo waxa dhabta ah ee uu yahay. Looguna jirabo hab sarbeeba tiyoo loogu hoos qarinayo xumaantiisa ama halkuu ku liito.

Humagaani waa hab aan qofka hadalka dhabtiisa loogu qexayn ee loo sogor dahayo loona sayn sabayo. Micnaha dhabtaa, badiyaana gayiga somalida humagan aad ayaa looga istic malaa,

1. tusaale-tirabeed

◇ Nin gaaban ayaa la odhanayaa cir gujiye.

◇ Nin ilka la. Ayaa loo bixinayaa ilka case

◇ Nin faruuran ayaa loo bixiyaa fanax

◇ Nin madaw ayey odhanayaan sidoo kale dayax,

Lagadada ama quusintu waa humaaga nocaa ah ee daaha la saaray. Bal mar kale aynu ka eegno dhanka sugaanta.

2. Tusaale-tixeed

[1] Higlo weeyi dulin badan

Waana hogo kaliileed

Hongoraha cadceedaa

Ku hadh galay cadceedii

Haylaa ka yara kacay

Hurdana wuu isaga jiray

Hilaac wax i tus bay tidhi

Kuye hilyooy toos

Iga eeg kor iyo hoos

Miyaan hoolif mooyee

Hal turxaana leeyahay

Wax ka sheega haaruun

Halacsiga sarbeebta ah

Iyadoon ku hawshoon

Haka yaabin bay tidhi

Huuhaadu digashiyo

Hab sabaale weeyaan

Waana lays hundo ogyahay.

[2] Hayska dhabar yaratoo

Dhulka haw dhawatee

Walidkeedi dhalaybaa

Dhaxee amaan mudan

[3] Waa lagu digtaa ruux hadduu kuu darraan jiraye.

Daaduunka uu maxamed qabo waan ku diirsadaye .

Bal dayaay wadaadkii wakaa sii dabayshadaye.

[4] Ma taqaanid beentee

Runta barashadeedaa

Bala kaa hor joogtaa.

[5] Bakhayl nimo umaad dhalane

Waxaad bixin lahayd

Adiguunba u baahday

7″ YAMXEERO { DAYRO }

Yamxeerada ama dayradu waa humaag u badan dhiilo ama dhaliil . Waana hawraar ama hadal badiyaa u badan calaan.cal ama is dhul dhig aad u sareeya,

Markale yamxeerada ama dayradu , waa xalaad qof laga dayrinayo, qofkaasoo wax kusoo mooday ama nolol kusoo biday ood si aan wanaag ku jirin aad ugu war celinayso.

1. Tusaale-tirabeed

◇ Maxaa lagu soo hoyday.

” labadayada lugood iyo laamo galool

◇ Reerkii muxuu sheegay.

” nabad iyo waxaad sheegi mooyi .

Hadaba tusalahaa waxa inooga iftiimaya xaladii dayrada ama yamxeerada.

Oo ninkaasi reerkaa uu waraysanaayo. War celintooda hab dayrineed ayey ugu jawabayaan,

Markale xaladaha dayrinta waxa kamida.

○ Lagu kaakac

○ Waa nin iyo waagii

○ Lays mood

○ Haba sheegin

○ Cirkaan iska haynaa .

Wali tiraabtiibaa inoo socotee bal aynu shekada yaree gabana isla Eegno.

Ninbaa u yimid nin hilib cunaaya markaasuu ku yidhi, reerihiibaan ka imidoo gurigaagiina waan soo maray .ninku aad buu u diifaysnaa xoolo yar oo uu magalada keenayna waa laga iibsan waayay, markaasuu ugu jawaabay kii hilibka cunaayey ,

{B} Marinkaagaa ahaa

{A} Gabadhaadiina way umashay

{B} Sedkeedaa go’ay

{A} Laba mataano ahbay dhashay

{B} Sideeday u uur weyneyd

{A} Labadii matanood mid baa dhintay

{B} Malagiibaa galay

{A} Kii kalana wuu raacay

{B} Meel uu ku hadhuu garan waayay

{A} Mididaadu af-waynaa

{B} Waan ku ogaa

{A} Cadkaad cunaysaa baruur weynaa

{B} Waa waxaan ku raacay .

Bal hadaba intaasi tiraab ahaan inoogu filane xagii tixda ama sugaanta aynu ka istaagno

2. Tusaale-tixeed

[1] Waatay gooman noqotaa

Oo gu’ga la waayaa

Anba maan gasiimanoo

Wax ma saarin gawsaha!

[2] Waligeed aduunyada

Wakhtigaa nin saacida

Ninna wayahaa xidha

Labadaasi waxaan ahayn

Horaa looga waayoo

Waa nin iyo waagii .

[3] Waxaan idhi dhanaan iyo

Dhay kaydun haysaan ?

Waxay tidhi dhib mooyee

Dheef malaha duunyadu

Dhaqashana cidlaw dagay

Mooyii dheeftii xoolaha

Wax dhufsaday ayaamahan

Gu’gan neefafkii dhalay

ibbo dhiiqda loo diid

Laga waa dhalaalkiyo

Canihii la dhami jiray

Dhiilkayagu ma buuxsamo

Hadii tooda dhicisiyo

Dhammi laysku soo daro

Waxaan idhi dhaqaaliyo

Haka baqanin dhuurida

Waxaad dhariga saartiyo

Maxaad dhuuni haysaa .

Waxay tidhi dherow ba’ay

Miyaa laba dhadhaaraa

Siday faqash dhulkaw timi.

[4] Gartay weeye hayboow inaan guriga diidaaye.

Waxba gogol ha ii dhigin hurdada gama’a lay diidye .

[5] Daab gudina weli sooma goyn wiilashaan diraye.

Afartii cagaha googa’naa ayaa caawa ii hadhaye.

8″ SILAN-SUGAN

Silan.sugantu waa isa seeg baaxad leh oo u dhexeeya laba humaag ama wixii ka badan,

Markale silan-sugantu waa tix ama tiraab ka kooban erayo isu lida ama is diidaya,

Bal horti intaynaan u galin tusalayasheeda aynu iyadaba kala dheegno.

Silan: Waa halku dhiga ugu horeeya ee silan suganta waana shay ama wax silan ama si ah. Mar kale waa wax yara guracana silantu.

Sugan: Waa halku dhiga labaad ee

silan- suganta waana wax sugan oo meel loogu hagaagi karo amase saxa ,

Bal hadaba aynu xaga tiraabta ka eegnee aynu soo qabano tiraab silan.sugana.

1. Tusaale-tirabeed

○ Xasanoow waad qurux badan tahay

Lakiin foolxumo yar ayaa kugu duugan

○ Fariidnimaad u dhalatay. Doqonka lakiin waad iska dhigtaa .

Bal hadana aynu ka milic sano dhanka sugaanta .iyo habka hal-abuurku ugu sidko sugaanta silan-suganta .

2. Tusaale-tixeed

[1] Dhulka waan socdaa

Wanan dhaafsanee

Cirku waa dhaw yahay

Waana dheeryahay.

[2] Xalay isniintii waxa i heley Toban amuuroode.

Asal gama’ waan is idhi hadana uurka kama seexan.

Albaabada dushaan ka jiray aqalna waan jiifay .

Oonbaan i gawracay oo biyaan ku ag wareegaayay.

[3] Waxaan ahay qadhaadh iyo macaan meel ku wada yaal.

Bidixdeyda iyo midigteydu waa laba matanoode .

Midi waa marti soora iyo maata daadihise.

Midina waa midiyo xiirayiyo mudhiyo deebaaqe.

[4] Ma maqanahay ma joogaa

Ma mir kacay ma negi yahay

9″ XUS

Xusku waa tix ama tiraab ay hal.abuuradu ku xusaan tariikh dhaba oo dhacday ,

Sidoo kale xusku waa dhacdooyin waa hore dhacay oo dib loogu han.qal taago oo la xuso mar labaad,

Sidoo kale humagan xuska waxa loo adeeg sadaa sheekooyinka oo lagu maqaal qoro wax bari hore dhacay,

1. Tusaale-tirabeed

○ bari hore waxaa jiri jirtay gabadh la yidhaa dhag-dheer .

○ waxaad dhalatay laba gu’ ka hor.

2. Tusaale-tixeed

[1] Haw dhuran dhurwaagii

Laftuu dhuuxay eersaday

[2] Qab qab dhaafay bay laba qabiil qaran ku waayaane.

Qabiilba habiil markuu qoonsaduu dilaye.

[3] Habartii docdeediyo

Dagalkay ku noolayd

Daruuruhu ku hooreen

Dadba wada hel moodoo

Daad wararac bey tidhi .

[4] Abidkii rag waa go i jiree kanise waa gaawe.

Lix hal oo u wada gaar ah baan goconayaa mooyi.

[5] Balaf waxaan ku haystaa

Beri inuu waraabuhu

Dameeraha ka biqi jiray

Bal dhadhami dhagtaydaa

Bixisaa ka keentoo

Wali waa ka baacsada!

10″ SARBEEB

Sarbeebta sida la ogyahay waxay u badan tahay hal.xidhaale . Sidoo kale calamadaha u gaarka ah sarbeebta waxa kamida. 《?》calamatul su’aal.

Sarbeebta sida laga war hayo waxay xidid wadagaan hal.xidhalaha lakiin waa kala bah sida maxsuulka ah.

Sarbeebtu mar kale waa humaag la sayn saabay oo sartisii la sogor dahay lana qariyay micinihiisii guud ama bartii dhandhanka rasmigii ku jiray .

1. Tusaale-tirabeed

《Bishu waa sodon balayguna wuu buuxaa》

Waa sheeko dhex martay wiil iyo Aabihii .

Nin wayeela ayaa isagoo magaalo jooga , wiilkiisii fariin u direy waxaanu ku yidhi,

Ninkii fariinta ka qaadayay markaad gaadho inankaygii waxaad ku tidhaahdaa Aabahaa waxa uu ku yidhi, {shanta saladood waysa qudhaan ku tukadaa}

Wiilkii markii ay fariintii gaadhay , ayuu fahmay in Aabihii baahi ka cabanaayo, ayuu nin ugu soo dhiibay joog subaga oo buuxa, waxaana uu ugu soo dhex riday soddon wasladood oo hiliba, kadib ninkii ayuu ku yidhi Aabahay u gee , Alaabtaas

Oo waxaad ku tidhaa, [ Aabo bishu waa sodon balayguna wuu buuxaa ]

Ninkii intuu dhexda kusii jiray ayuu laba wasladood kala baxay, markii uu odaygii gaadhay ayuu fariintii u sheegay, odaygii joogii ayuu eegay markasuu hilbihii tiriyay , oo uu ninkii ku yidhi laba xabo ayaad kala baxday, saw maaha, ninkii intuu yaabay ayuu ku yidhi odaygii, adeer seed ku garatay inaan laba kala baxay , markasuu odaygii ku yidhi ninkii, bishu waa sodon balayguna wuu buuxaa ! Ayaan ku aqoon saday,

2. Tusaale-tixeed

[1] Nimanyahow ciraab laguma kaco curuf la aaneede .

Cod xidhaal ah oo wada cajab ah cayn aan ka higaadsho.

Wax cad oo madow baan arkee care’e yaa ii sheega .

{ Warcelin }

[J] Anagaan ciraab li’i ku curuf la’aaneede.

Cod xidhaale ah oo wada cajab ah caynka aan ka higaadsho.

Wax cad oo madaw saw indhaha ina caroow maaha.

[2] Adhi saboola si loo dhaqo

Sax gabno ah sii loo lulo

Saafiyeey bal ii sheeg?

{ Warcelin }

[J] Adhi saboola si loo dhaqo

Soddohda isaga dhiib

Sac gabno ah si loo luulo

Sadex qaar is gadhsii .

[3] Waxa socodka diinka leh

Dabayshana ka orod badan

Ee daalayn bal ii sheeg?

{ Warcelin }

[J] Waxa socodka diinka leh

Dabayshana ka orod badan

Ee daalayn sheegayoo

Diir igama saarnoo

Dayaxeena weeyaan

[4] Mayal geel weynta oo kaliil mayle lagu qoojay.

Oo meel afmeeriyo ku dhalay mudhayadii gaafka.

Oo laan magooshiyo tigaad mulaya daaqaaya.

Oo maalin layl iyo habeen maqashu dhaadhyayso .

Oo aan magow lagu arkayn maahir ibaheeda.

Halagaa maqlee kii gartow mari higaadeeda?

{ Warcelin }

{J} Waa nimanka muusoow qandiga la meeraaya.

11″ ASTAAMAYN

Astaamayntu waa hadal ama tix ku saabsan xornimada amase gobonimada,

Markale astaamayntu waa wax bari hore dhacay oo dib loo yagleelayo,

Oo waxabaad modaa in uu xidhiidh ka dhaxeeyo, xuska,

Astaamayntu waa marka wixii laga hadlayey aan si toosa loogu dhawaaqin, ee uu astaan uu leyahay la sheego, ama lasoo qaato,

1. Tusaale-tirabeed

○ Shan aan haanta iska waraabin

○ Sida ganba yarta yaynaan u wada dhaqmin

○ waa erayo fican yahay

○ waxbuu xaday

○ fartuu noo goday

2. Tusaale-tixeed

[1] Geeraradaydii hashaan anigu googooyey.

Galool iyo maraa iyo hashaan kidiga gaylaanshay.

Gaajiyo haraad badan hashaan ugu garaacayey,

Goortii sidkeedii go’ay ee ay galabti fool qaaday .

Iyadoo candhada giijisay oo godol ku sii daysay.

Garaad nimaan lahayn bay la’tahay waad ka gaagixine.

[2] Maandeeq markay curatay laba mas raceene

[3] Awrkii gulaaniyo hashaan gubadlaha .

Wax la yidhi gal daanyeer cabay habi gaysaaye.

[3] Dambarkeeda maandeeq kolkii weelka lagu duugay .

Durduur iyo rakaad caanihii duul yar baa dhamaye.

Dibjirkii u soo diriray iyo doorki la ilowye.

Ururintii iyo Qalinkii. Cabdirisaaq Xikmaawi

xIGASHO cumar-faray