Ayadoo sagaal qad ah hadday saaka dhalanshoosho
Sirsirriyo haddii loogu horo sabadi baarqaylo
Waxay suurta nuugtiyo waxay saynta dhabataaba
Hadday saabka weyn iyo biyaha sahay ka miilaasho
Oo dhogorta suufkaa cad iyo saanta ka dhalaasho
Hadduu saaxibkii fulin lahaa saac u qalabqaato
Ayadoo saruura ah haddii saax la qabadsiiyo
Oo rimay safkeedaa hore ah saxaya boodaanka
Aarankoo silsiladayn hadduu sulux u jaanqaado
Safka kooraleyda ah hadduu awrku kala seero
Irmaan soocan seyrtiyo nirgaha siriq u luudaaya
Sin-u-jiif hadday uga duwaan saraha baarrey ah
Safar bay ku mari dhuumatee surin hadday aaddo
Carrasame markay socon haday sebiga dhaadhsiiso
Seegseegi mayse’e hadday horay u saanqaado
Sarmaantii cadduun bay u kici iyo saamagadaleeye
Markaasay xidh uu sahanku tagay galab salaantaaye
Sir ku duugan weeyoo adduun sahadi waa geele
Saaxiib ninkii ila ahow saatan ku ogaada.
AfGuun