Q-39aad taxanihii adeegto

Maryan cabbaar bay niiqniiq tiri. Qolka dhibaatadu ka dhacaysey wuxuu ahaa mid meel sii durugsan guriga kaga yiil oon sidaa looga maqal. Waqtigu goor dambuu ahaa dadyowga dariska ahina inta kol hore seexdeen baa weli la tumayey walowba ayan ku dhaweyn, hadday maqlaanna sidaa isuma soo dhiseen waxay u qaadan lahaayeen xaasas yare dhibaato gaar ahi dhex martay.

Dhibaataa dhacday, dembi baa la galay, dadnimaa lagu xad gudbey. Dad baa la diley. Dan baa lagu tuntay. Daacadnimaa loo gefey. Dulmi baa la sameeyey.

Maryan waxay wiiqwiiqlaysaba, wax habartii dhufayska ay ku jirtoo dhegaha maryeheeda ku cuftaba, wax dembiilihii dagaal ku jiraba mar dambay saacado ka soo wareegeen markii dagaalku bilowday baa qolkii halaaggu ka dhex socdey waxaa fu’ ka soo yiri Maryan oon suxud lagu ogeyn. Guntiinaday horay u sidateyna garraarka luqunta ugu xiran maahee intii kale daba xaabayso.

Socodka Maryan ma hinnayn. Sidii inan yaroo la gudey bay hoohaarineysey. Fasaleetigii timaha way ka soo carartey, madaxeedana waxaad moodeysey meel gorayo lagu qalay. Labada indhood way casaadeen. Neeftu way ku cabbursaneyd oo sidii qof neefi haysay hiqdaa haysey. Labada gacmood mid labada lugood dhexdooday kula jirtey midna il iyo dhaban bay iskula haysey.

lyadoo sidaa ah bay habartii ka hor timid, waxay tagtay meeshay seexan jirtey. may seexane intay salka dhulka dhigtay derbigana dhabanka saartay bay halkeedii hiqdii ka miistay.

Habartii oon waxba ka daahneyn sidii qof war moog ahna iska dhigaysa baa madaxa la soo kacday. Maryan bay eegtay oy tiri, “Haye Maryan maxaa dhacay, Maryan ma xanuun baa ku haya? kaniini madax ma u baahan tahay?”.

Maryan may hadale intay il nac ku eegtay habartii bayn waxba iska beddelin. Habartii baa sara kacday oo iyadoo yeelyeeleysa qof Maryan u danaynaysa waxay isha la raacday meeshii Maryan soo martay iyo dharkay qabtey. Waxay aragtay meelo badanoo dhiig ku tifqay iyo gabbalo dhiig ahoo marada Maryan qabto ku yaalyaal. Markaasay habartii sii hubisay dembiga iyo fadeexadda dhacdaye reerku mas’uulka ka ahaa.

Habartii baa iyana ku sigatay inay oydo, wax damboy tiraahdo iyo si ay wax yeeshay garan weydey.

Maryan sideedii bay ahaatay, waxay salka ku haysey salligay awal ku seexan jirtey dacalkiia darbigana dhabarkay ku haysey, labada gacmoodna labada law bay isu barkanaayeen. Intii qof niya jabo, naxo oo nolol ka quustay Maryan ku sifaysanayd.

Habartii baa hurdi weydey joogina weydey. Maryan ma moogayne aad bay u ogsoonayd in habartu ninka ku eegeysey, maxaa yeelay way tiqiin inay aad u hurdo yarayd una hurdo fududayd. Qayladii Maryan qaylinaysey iska daayoo waxay ku kacdaa qof hurdoo is rogey sharqantuu yeersho.

Maryan iyadoo sideedii aha baa waagii dusheeda ka baryey. Waxba quraac may samayne sideedii bay u fadhidey. Waa qof dhaawac ahoo dhaqdhaqaaqaba dhibsanaysa. Habartii oo iyana in yaroy hadba indhaha is-gelineysey maahee inta badan fekereysey baa mar alla markii waagu baryey lana kaakici maagay waxay u tagtay wiilkeedii. Qolkiisii bay inta gashay oo soo riixday tiri, “War inkaar qabe, maxaad inoo bi’isay! Allaylehe waan malaynayey inaadan maskax lahayn gaar ahaan markaad bahasha fuuqdee aad miiraabaysan tahay.” Isagii baa inkastoo uu garanayey, wuxuu iska dhigay war moog aanba fahmeyn meesha habartu ka hadlayso waana ninkii shaahiyo biyaha isku daray. “Yaa! waa sidee hooyo, xaggaad ka hadlaysaa? ma cid wax dhintaa joogta?” Isagii oo wax moog iska dhigayaa yiri.

“War dufoowe, i dhegeyso, aniga waxba shaati been ah ha ii gashane, waxaan kuu sheegayaa hadda degdeg waa inaad dambigaad xalay gashay wax uga qabataa oo miskiintan aad bi’isee ku cayaartay dhan uun uga baxdaa inta goori goori tahay. Guursanba lahaydaa, eryi lahaydaa iyo si kale u sasabi lahaydaaba ka kac meeshoo si uun yeel”. Habartii oo yaabban baa tiri.

Isagii baa qoslay beentuu gadayeyna baalkeeda laabay, maadaama runi run geydey, yiri, “Hooyo horta waa ka xumahay”.

“Waligeedba intay dembi kas iyo maag u quustay waan ka xumahay iyo raalli ha la iga ahaado ku waalataa, Eebbow maxaa adduunkii dhaqan wareegey”. Habartii oo dhabannada haysaa tiri.

“Hooyo, aan hadalka dhamaysto teeda kale kolley wixii dhece oo waad u jeedda. Anigu hortaa inaan qoftan guursado waxba kama qabeen, jirtoo dhibaatooyin aanan marnaba gudbi karayn baa meesha yaal. Waa ogsoon tahay naag aan sharyarayn baan qabaa teeda kale nin maanta labo naagood isku qaadi kara ma ahiyoo adba waad la socotaa nolol xumada adduunka ka taagan iyo xaaska hadda joogaa intuu ballaar le’eg yahay, taasoy weliba dheer tahay kor ka socodka iyo qaraaba badnida caadada inoo ah. Runtii waan gefey waliba get fool xun gafay”, isagii oo gariiraya welina wax ku dambeeyaan baa yiri.

“Geftay wax baase ku gefsiiyey, waa dadnimo xumaadaadee yaad ku eedi. Inaad nacas tahay sidaa ku qir. Teeda kale fadhiga ka kac oo si uun u gal arrintan ka hor intaan iskandal ama dhibaato aan ka soo waaqsi lahayni dhicin”, habartii baa tiri iyadoo hadba dhan eegaysa. Isagii kiciddii kac la yiri run moodyoo kac. Habartii baa inta qososhay aad u sii eegtay oo tiri, “Weligaa dad barashadu wax baa kuugu dhimman, inaan si walba kuu aqaan baan moodayey, ha yeeshee been bay noqotay. ma anigii xaarka kaa tiri jirey ee intaan ku soo le’ekaysiiyey baa saaka ku garan la’ oo sifooyin aanan kugu aqoon kugu haya”, madaxay ruxday oo inta is bihinbihisey oohin beenlaysay.  “Hooyo go’aankaygu waa inaan yarta besabeseeyaa, Ilkaha ka jajaban baan u samaynayaa, dhar baan u gadayaa, lacag baan faraqa uga buuxinayaa waan u sheekaynayaa dabadeedna wax baan u qorshaynayaa”. Isagii baa yiri. 

“Aday ku jirtaa nacasow sidaad yeeli lahayd, haddase waa iga dardaaran, ogsoonow, haddaadan bahasha iska deyn eed sidan ku waddid dad kale iska daayoo wallee anigaad wax i weydiin doontaa aakhirkaaga haddaanan horteed dhiman. Eebbowtaa horteed i dill! alla maxaan lumay!” habartii oo dhafoorada haysaa tiri.

Isagii baa qosol gariirey wax uu yiraahdana garan waayey. Intu hadba dhan eegay oo indhaha marmaray buu gebida rogtey.

Habartii oo siday ugu timiba xanaaq, ciil iyo naxdin daaceysey baa hadal la’aan meeshii u dhaaftay.

Sidii buu cabbaar isaga gebi-rognaa. Tii uu ku hadlayey ayuu go’aansaday iyo inuu yarta intuu besabeseyn karo besabeseeyo intuu indha-saabi karo amuu sasabi karana uuna waxba ula harin.