Q-40aad taxanaha adeegto

Maryan fadhigii bay ka kici weydey iyadoo dhan ka dhaawac ah dhanka kalena baqdin, xishood iyo murugo la gariireysa. Intii la doonay ka kala firiirtay, dhan ay wax marisana way heli weydey. Intay soo dul gabratey bay qaadi la’ayd. Way cid iyo ciirsi weydey culayskeediina qaadi weydey. Ciirsi daayoo ciday u cabatayna aqoon. Iyadoo sidii salli meel gees ah yaal dushiisa kala taal, xanuunka dhaawaca culayskiisa daayoo kan murugadana qaadi la’ oo ilmada hoos ka qubaysa baa waqtigii aad u siibtey ilaa ay barqo dheer noqotay. Reerku cid suuqa u tagta oon Maryan ahayn ma lahayn, Maryanna waataas oo reerkii adeegsanayey ayaa qashay. Habartii sidii bay meeshay awalba fadhin jirtey isaga fadhidey. Aad bay u da’ weyneyd. Awood ay suuqa ku aaddana may lahayn ilmihii reerkuna iyagoo warmoog ah waxa dhacayna aan la socon bay quraac la’aan dugsiyadoodii aadeen. Way jirtey inay cabbaarjeeqaaqeen canjeeladii iyo shaahay afka ku sii dhifan jireen, ha yeeshee, markay arkeen inaan reerkaba saaka dab loo shidin bay isaga huleeleen iyagoo xanaaq wada karaya. Ciday ku eedayeen oon Maryan ahayna ma jirin, waxayse moogaayeen dhibta aabbahood iyada u geystay. Dad is moog baa isu ciil qaba. Yaa ogeysiiyaa alla yaa u sheega!

Iyadoo ka sidii arrini u madax iyo majo laaban tahay, oo habartiina kaba baqaysa Maryan inay wax weydiiso, illeen wax jiraba way ogsooneyde Maryana wax dhaqdhaqaaq ahba laga la’yahay ayuu duhur isku taagey. Isku markii ayaa waxaa soo dhacay Odaygii reerka iyo ilmihii oo shaqo iyo dugsi ka kala yimid. Aad baa loo baahnaa qado macaanna sidii loo bartay niyadda loogu hayey. Odaygu yare wuu shakisanaa, ilmuhuse war moog bay ahaayeen isagu shaqaale dawladeed buu ahaa.

Odaygii markuu soo galayba, illeen tub qabaa takaraysane, wuxuu isha la raacay Maryan, inay joogto iyo siday tahay. Ka hor intuusan arag Maryan ayuu hooyadii uu arkay taasoo uu lafaqay, si uu ilmaha waxa dhacay uga awdo, inta afka aad ugu soo dhaweeyey buu yiri, “Hooyo, maxaa la hayaa, bal warran?”.

Habartii oo ka sidii yaab iyo ciilkii ku sii tarmayeen baa tiri, “maxaan hayn lahaa? Ma hayn bay leedahay? sow adigu inta majoxaabisay musqul afka uma gelin! Wax aan iraahdo garan maayoo aday ku jirtaaye armaad ilmahan dugsiga kayimid qado la raadisaa! “Allow doqoneey ha kuu naxariisan, maxaa loo lahaa dadka waxbartay garaad iyo garasho dheeraad ah bay leeyihiin”.

Isagii bay ku sii cuslaatay wax uu yiraahdo iyo meel uu wax ka qabtana garan waayey intuu hadba dhan eegay isagoo hadallada habartana qaadi la’ oy u sii hargaluleen buu isagoo gariiraya wax uu yiraahdana garan la’ ilmihii u yeeray, “Waryaaya, ina keena qado tagnee meesha qado ma taalee.”

Ilmihii oo iyana dhankooda ka tufaya waxa dhacayna garan la’  baa isku mar wada yiri, “Allaylehe ina wada, waa u baahnayne baga”. Degdeg bay u soo dareereen iyagoo dhan ka faraxsan oo is tusaya waxayan horay u cuni jirin in maanta ay cuni doonaan maadaama makhaayado la tegi doono, dhanka kalena gaajo la wada ciirayoo socodkaba laga wada maagayey.

La wada qado teg oo inta la soo qadeeyey habartiina qado loo soo qaaday baa dib haddiiba loo soo laabtay. Habartu sidaa uma cunto jecla, waxaana usii dheerayd iyadoo aad uga argagaxsaneyd dhibaatada meesha ka aloosanayde wiilkeedu u sabab ahaa.

Cuntadii loo keenay iyadoon waxba afka saarin bay Maryan faraha ka saartay. Maryan inkastoy aad iyo aad u baahnayd had- dana cunto uma muuqaneyn oo sideeda kalaa loogu badnaa. Cun­tadii bay diiddey. Afkay buurtey madaxana intay ruxday bay gebida rogatay.

Habartii oo u garowsan cuntadiina kol hore soo hordhigtay una qabtey inay ka laacday ayay dib ugu soo laabtay iyadoo dantay ka lahayd ahayd aad aragtid bal say tahay, “Naa maxaad u cuni. wey- dey?. Waa inaad cuntid cuntadan illeen adaa laguu keenaye. Maxaad baahida isugu dileysaa. Dhaqso cun”, habartii oo is leh cuntada ku dirqi baa tiri.

Wax hadal ah iyadoon oran bay inta daymo gaaban oo qaar go’an ku deyday habartii ku eegtay haddana indhaha laabatay. Waxay muujisay daymo ama muuqaal diidmo. Habartu way fah- meysey waxa meesha yaal iyo dantay lahayd iyadoo ku sii adkaysa- naysa bay inta soo agfariisatay oo garabka ka taabatay tiri, “Maxaa dhacay waa sidee, maxaad u cuni weydey? cun anna waan kula cunayaaye.”