Sayid Maxamed iyo dareenkiisii waddaniyadeed

Arartaan waxay ku tusaysaa sida qofka waddaniga ah keligii uu dhibbane ugu yahay xaaladda murugsan ee dalkiisa. Waddaniyaddu mar waa dareen kaca oo guul uu dareemay la kaca, markay ay guuldarradu jirtana waa dareen danaqasho iyo murug laga dhadhamiyo.

  • Nimanyahow dabuub gabay baryahan, uma dadaalayne
  • Wax idaaray mooyee xalaa, laygu soo dagaye
  • Aan dabiibto gabaygaygu waa, dab iyo baaruude
  • Unkad dirigriglayn baan ahiyo, dirirta cawleede
  • Daad soo rogmaday baan ahoo, dooxadii yimide
  • Aan durduro dabaal baan ku mari, Doollo ii xidhane
  • Dayax iyo shamsaan ahay haddaan, lay dafirahayne
  • Gudcur dam ah habeen dumay dhulkoon, dacal ka nuuraynin
  • Ma danyado talaabada haddaan, dowga marayaaye
  • Dugsi haddaan la galin dhaxanta, waa lagu duloobaaye
  • Dabaylihiyo fooraa la tagi daar, waxaan galine
  • Deyrodhaafyadaan shidahayaa, dogobyo waaweyne
  • Dubaax ma aha xaajada midaan, diirka ka cadayne
  • Diirsimo halkii aan ahayn, waa siddii danafe
  • Waxa dunida qaarkeed ka dhacay, dood aan ka idhaahdo