Maryan aad bay u garanaysey ujeeddada habarta. Waxay aad u fogeysatey oy sinaba u qaadan weydey hadalka habartee ah “maxaa dhacay?” wax dahsoon ma jiraan ee waa la wada daahayaa ama ha laga baqayo ama kas iyo dan gaaroo laga leeyahay ha loo samaynayee.
Habartii way ku guuleysan weydey inay Maryan ka hadalsiiso amayba cuntada cunsiiso. Markay ogaatey in xaaladdu dhabaqsan tahay bay wiilkeedii aaddey oy ku tir, “war belo heshay, maqal arrini way dhabaqasan tahay adaana dhabqiyey ee waa inaad si degdeg ah wax uga qabataa. Ka kac meesha oo qoftani way jirran tahay baan u malaynayaaye ama inaga dir inta goori goor tahay ama sasab oo soo daawee waxyaalahaad sheegeyseyna u soo qabo.
Aad intuu u fekerey buu madax u ruxay hadalkii hooyadiis isagoon jawaab cad siinna inta istaagey buu wuxuu u dhaqaaqay xaggii Maryan oo sidii meesheedii luqmo-laabnayd intuu isasoo hor taagey buu yiri “Naa haye, maxaad haysaa?”.
Maryan iyadoon wax daymo ah siin bay fahamtey qofka la hadlaya. Xanaaq iyo ciil baa oogadeedii isku mar meel ka kala heli waayey. Aad bay inta isu gashay waxay tiraahdaana garan weydey.
Cabbaar baa la kala aammusnaa iyadoo dhanna laga yaabbanaa dhanka kalena jawaab laga sugayey. Isagii oo sugi la’aa jawaabta lagala masuugeyey baa mar labaad hadalkii ku ceshaday, “Maryan, maxaa dhacay ood u hadli la’dahay? Haddii wax xanuun ahi ku hayaan ina kici aan cisbitaal ku geeyee.”
Maryan oo aad u xanuunsaneysey inkastoy qarsaneysey baa ugu dambaystii go’aansatay, ka dib markay aragtay, inaan loo dhaamin, inay cisbitaalka aaddo.
Muddaan wax hadal ah la oran oo Takhtarkuna jawaab iyo talo sugayey Cabdina wuxuu yeeli lahaa ka fiirsanayey, Cabdi mar uun buu inta soo boodey oo Takhtarkii gacanta qabsaday dhan ula sii dhaqaaqay isagoo afka ku sii dhaweynayana wuxuu yiri, “Takhtar i maqal, anigoo dembigaad sheegeysid galaye qoftan ku xad gudbey. Qoftu xaaskaygii ma ahee waa ii adeegtaa. Xaaskii waa iga maqan yahay, dhawaanna inay timaaddaana filayaa. Ilmo badan iyo waalidba waa hayaa oo xaas balaaran baan ahay. Marka hadda iyo dan, anoo si gaara kuugu dan sheeganayee aan afgaradna illowsiisneyn ayaan ku leeyahay arrinta iga tiiri. In llaahay ku asturo. Runtii intay i sidato bay i heehaabineysaa. Mar waan ceebaysnahay, mar dembi baan ku jiraa mar kalena reer dhisan baa inta iga duma aan dib dambe iigu dhismi doonin. Arrini waa sidaa, lacag shan kun iga qaado, hadday kugu yartahayna ii sheeg aniga dhibaatadaa lacagta igaga weyne”.
Takhtarkii baa hoos eegay isagoo afka buurayoo madaxa ruxaya. Wuxuu ka walaacay siduu wax yeeli lahaa. Arag in meesha dhibaato madaxyo badani tuxtuxaashineyso. Lacagta waa u jeedaa. Aadaminimada sidoo kale. Dib dambe wixii dhici karana wuu malmalaynayaa isagoo is tusayaa hadduu Cabdi arrintiisa yeelo sida wax uga iman karayaan buu yiri, “Oday mid ma istustay ah hadday gabadhu dacwooto”?
“Dacwada gabadhu ama wax alla wixii dhankeeda ka iman karaya anaa afka dabool ka saarayoo meel aan mariyo alla i baraye adigu mid ii yeel: Waa inaad inta si fiican iigu daaweysid aadan cid kale arrintan ogeysiin, haddad iyada sasabi karaysidna adiga lee waaye.” Cabdi oo aad mooddo inuu xiiqsan yahay baa yiri.
“Labo halba oday hoo: waa mid lacagtu waa yar tahay, teeda kale haddii arrintu sidan noqoto waa in aynaan cisbitaalka u deyne aad meel kaloon kaga warqabi karo geysaa, maxaa yeelay hadaynu cisbitaalka u dayno cid wax weydiisa la waayi mayo dabadeedna halkaasay arrintu ka fakanaysaa, waad ogsoon tahay bay ila tahay taasna iyo hadday fakato sidaynu afka ciidda u doridoonnee, haye,?” Takhtarkii oo gor gortan ku jira baa.yiri.