Q-42aad taxanihii adeegto

Mahadsanid, marka kalena lacagtu waa toddoba kun, tan kalena iyada waxaynu geyneynaa gurigeyga anaana alla i baray sidaan madaxeeda majo ugu rogi lahaa iyo adoo guriga ku daaweyn doona.”

Sidii askar salaan kala qaadanaysa yaa inta layska soo horjeestey oo mar labaad laysa salaamay Cabdi yiri, ‘‘Haddaba waynu kaxaynaynaaye inoo soo saar adna ina keen aad kharajkaaga soo qaadatide”.

“Waa yahaye wax yar i sii sug, tagsina inoo sii qabo”, Takhtarkii baa yiri ka hor intuusan Maryan u tagin ayuu inta xafiiskiisii tagey wuxuu soo qoray dhammaan daawooyinkuu is lahaa waa u baahan tahaye laga heli karayey farmashiye uu xiriir la lahaa. Lacag aad u badan baa halkaasna looga baahnaa si daawada loo wada helo Maryanna sida loo baahanaa ugu daawowdo.

Takhtarkii markuu daawo qoriddii soo dhammeystay buu waxba ma sii daahdaahine wuxuu u tagey Maryan oo marka inta dhibibsan aad inay nasatoo daawo qaadato ugu baahan. Way kala tiil, Xanuunku kuma yarayn, ha yeeshee inay daawoobeyso bay aad u rumaysnayd sababtoo ah waa markii ugu horreysey oy cisbitaal seexasho iska daayoo inta soo gasho daawo jirkeeda taabato. Si nafsaani ah bayba u dawowdey. Aad bay ugu bogeysey meeshay jiiftey. Daawada, takhtarka iyo sida loo dhawrdhawrayo siday uga heshayna iskaba daa.

Dhaawaca jirkeeda gaarey iyo niyadday haysaa waa kala labo. Waxaa kaloo intaa u sii dheer iyadoo is lahayd reerbaaskii maantaa isugu kiin dambaysa, si damboo aad isu aragtaanna maba furra. Maadaama aad sirna sheegtay, halkaanna aad kaga jirtid.

Belaayose waxay timid markii takhtarkii oon qabin dharkii caddaaye ay ku ogeyd inta dul yimid uu yiri, “Adigu Maryan sow ma aadan ahayn, ina kici waynu baxaynaaye”?.

Maryan ma ay fahmin ujeeddada Takhtarka. Waxayse u qaadatay in qof kale la seexin doono laguna daaweyn doono. Si aan firfircoonayn bay Madaxa kor ugu soo qaadday. Iyadoo jiitameysa

bay isasoo sara taagtay. Aad bay damqasho u dareemeysey. Taah bay hoos ka miiseysey inkastoo xishood nacaseed hayey, amayba baqdin waayo-aragnimo la’aani u sabab ahayd beerka jartay.

Takhtarku wuxuuba daahsanayey dagiddeeda oo uu u arkayey is mashashuur iyo ka badbadis. Wuu ogsoonaa inay jirran tahay, jirtoo tiisuu ka watey iyo heshiiskuu wax ka galay inuu meel maro.

Maryan oo jiitameysa iyo takhtarkii oo inta in cabbaar ah ka go’ay xiimaya, ha yeeshee hor kacaya ayaa irriddii weyneyd ee cisbitaalka soo abbaaray. Maryan baa qaadan weydey in meesha loo wadaa dibadda tahay. Way hammidey si ay wax yeesho iyo waxay tiraahdayna garan weydey. Wahey waaya-aragnima la’aaney ba’! way tallantay oo is tiri ma qaylisaa, meeshan ma iska fariisataa, iyadoo dhakafaarsan bay ku deysatey inay iska raacdo Takhtarkan hor kacayee hadba inta dib u soo daymoodoo leh, “soo soco, soo soco waynu daahnaye”.

Maryan waxay goosatay in cisbitaalka kaloo kan kafiican loo wado. May oga in haddii qof cisbitaalka laga beddelayo aan la lugeysiine baabuur cisbitaalka lagaga qaado.

Labaduba way naxeen waxay yeelaanna way garan waayeen. Takhtarkii baa inta madax dhulka uga qaaday Cabdi kor u soo fiirshey.

Dadka meelaha marayaa waxay u haystaan qof ama xummad

xumi hayso ama inta dhiiggu ka yaraaday iska diiday. Waa la wada moog yahay dhibaatada meesha taale Maryan haysata. Labada ogina kuwa iyada ama u naxaya ama wax dan ahi ka hayso ma ahayn.

“War maxaynu yeella waatanoo sidaynu rabnay si aan ahayn bay arrintii u muuqataaye,’’Takhtarkii oosi isna intau naxay dambiile isula muuqda ayaa yiri:

“Sowtii la lahaa takhaatiirtu waa geesiyaal, maxaad u gariireysaa! Waxaan yeelaynaa qofta waynu qaadaynaa gurigaygii baynuna geyneynaa, maxaa yeelay haddaynu hadda dib cisbitaalka ugu laabno arrintani way fashilmaysaa. Miyeynan sidaa kula ahayn”, Cabdi oo gacanta kor u haya hareerahana iska eegayaa yiri.

Takhtarkii baa inta qosolgariir dhag ka siiyey yiri, “war waa sidaase inoo qaad qofta”.

Wax laysa sii daba socdaba irridkii weynaa baa laga baxay. Maryan mar alla markay irridda weyn madaxa ka keentayba waxay aragtay Cabdigii iyada balanbaaliyey oo meelaan dheerayn tagsi ku tiirsane Takhtarkii la hadlayo. Naxdin bay haq tiri mar bayne sara joogga ka dhici gaartey. Horay baa loogu jeedaye markay iyana arkeen inay yare dawakhsan tahay sina ay u jir iyo aragdiiddan tahay baa lagu soo wada dhaqaaqay. Maryan naxdintii awal qabatay mid ka sii badan baa u timid. Aragtay in iyada lagu soo socdo. Is adkee bay maagtay, ha yeeshee waxay is tustay oy soo gocatay dhibaatooyin badan oo horay u dhacay sida dhaawaca iyo ceebta iyada saaran, siday takhtarka ugu xog warran tay haddana aan waxba u qarsoonayn ee Cabdi taa u og yahay.

Maryan mar uun bay afweynta goosatay oo meeshay ku dhacday iyadoon iska rogin ku suuxday.

Takhtarkii iyo Cabdi oo awalba u toog hayey wax alla wixii dhaca ayaa ku soo orday. Way dul yimaadeen oo is dhugteen.

Tagsigii baa loo gacan haadiyey si uu ugu soo dhawaado. Inta Maryan kor loo soo qaaday oo sidii neef la bireeyayoo shilalka loo sii sido la soo walaandeeyey baa tagsigii dalaq lagu soo siiyey.

Waxba lama sii daahdaahini gurigii reer Cabdi baa loogu cayntaarshey.

Dadyow meelaha taagnaa baa yare shakiyey oo waxay u qaadan waayeen qof sidaa u jirran waxa cisbitaalka looga sii wado, waxayse ku deysteen waxay ka qaban kareen baan jirin.

Tagsigii wuxuu sii cararaba gurigii buu isa soo hortaagey. Maryan markaa way miyir qabtay, ha yeeshee waxay oran karaysaan jirin. Isha uun bay wax ka eegeysaa. Aragtay in la sito.

Baabuurku intuu sii socdey ayaa la sii wada sheekaystay iya­doo afka lagu sheekeysanayey af shisheeye ahaa. Maryan waxay ka garaneysey ma jirin, tagsiiluhuna sidoo kale, iyadoo afkaa shisheeye lagu wada hadlayo ayaa Takhtarkii markay sii socdeen hadalkii ku bilaabay…