La yaab!!!

Labo nin oo indhoole ah baa maalin is dagaaleen, waana la kala celin waayay, mid cabtooy ah oo wadada dhinaceeda maraayay baa arkay dad badan oo meesha buuxaan, mid buu waydiiyay waxa meesha ka dhacay, waxaa lagu dhahay, labo nin oo indhoole ah baa saakay ilaa hada la kala celin la’ayahay, wax kala celiyo baa la waayay, cabtooygii baa intuu aad u qeyliyay dhahay, “aniga waxaan la jiraa kan mindida heysto” labadii nin way kala boodeen midba meel ayuu u cararay