Ookeey, nabadey iyo adoo waxaad sheegeysid oofin doona, ogsoonna in haddaadan oofin adna u qoollaan doontid” Cabdi baa ka sii daba tuuray.
Ninba dhan buu isaga dhaqaaqay iyadoon laysba sii barane intaa lagu kala dheelmaday. Cabdi markuu gurigiisii soo galay ayuu Xusuustay in aanu takhtarka magaciisa aqoon. Wuu naxay oo inta kor u boodey maleeyey meeshuu ka ogaan lahaa magaciisa wuxuu is tusay inay ugu dhawdahay inuu dib ugu laabto cisbitaalkii si uu hadhow hadduuba waayo uga baadi goobo. Ma joogjoogsane haddiiba irridduu fu’ ka soo yiri, waxuuna abbaaray cisbitaalkii. Sidii uu u sii duulayey buu cisbitaalkii tagey. Gabar meel taagneydee dharka cad qabtey buu inta dhuunta ka soo galay isagoo xiiqsan neeftana kor u raacaya wuxuu ku yiri, “Walaal, raalli iga ahow wax baan ku weydiinayaaye.”
“Mayee waxba ma lehe soo daa waxaad dooneysid meel baan ku degdegayaaye waa sidee ma alaab qaaliyaa kaa dhuntay si baad u ciirsan tahaye, mise naag baa kugu foolaneysa?” Gabadhii baa tiri.
Intuu sidii qof didsan hadba dhan eegay oo dhegaha taagey buu yiri, “sidaad doontid ka dhigoo, waxaan ku weydiiyey,” ★ takhtarkii galabta ama maanta gelinkii dambe shaqada lahaa magaciisu muxuu yahay?”.
“Horaan u sheegay inaad nin la weheliyo tahay. Dhar magaalaadba qabtaaye maxaad isu yeelyeelysaa, mise wayba kaa dhan tahay oo shalaad miyi ka timid maantana surwaal iyo shaati bay kuu soo geliyeen?”? Gabadhii oo dhaqaaq u hollatay baa tiri.
“Belaayo cagahaaga ku doono waa sidan oo kale. Naa i cay kuma orane maad iiga jawaabtid su’aashaan ku weydiiyey, adigaaba sidii reer miyiga u ciyayee”. Cabdi oo caro karaya, sina u kadaalliyayoo waxa haysta qaadan la’ baa hadalkaa yiri.
“War illaan ibtilo, adeer kuma fahmayee cid kaloo ku af garanaysa orod doono. Hadal miyaa takhtarkii maanta shaqada lahaa magaciis, immisa takhtar baa isku mar shaqada wada lahaa? waa wax tuulo kalkaaliye takhtar u yahay joogi jirey adduun kalena aan war qabi karin!. Gabadhii baa intaa markay tiri maba sii joogjoogsane dhabbaha labo ka dhigtay, candhuufo tuftid, mashmashiiqsi iyo daymooyin ay Cabdi ku dileysay sii dhaafeysey markii isna isagoo weli sidii iyo si ka sii daranba u takaro dhabanayey.
Wuxuu ku sigtay inuu inta soo qabto uu dharbaaxo, haddana is qabey oo hadal la’aan buu dhankay u dhaqaaqday maahee dhankii kale isaga dhaqaaqay. Meel cidlo ah buu sii dhaqaaq-joogsadey. Dadku markaa cisbitaalka iyo agagaarkiisa sidaa uguma badnoo waa goor ★himhimnow ah. Mar horaa shaqaalihii badiba rawaxeen. Cisbitaalka in la xiraa la rabaa dadna ma soo geli doonaan. Hadba qof buu eegaa, markuu wax weydii is yiraahdana wuu ka cabsadaa sidii afka loo goostayba.
Cabdi saacad baa meeshii ku dhaaftay. Mar damboo gabbalkiina si fiican u dumey oy habeen tahay buu isaga huleelay walowba uu marar badan isku dayey inuu ogaado takhtarkuu doonayey magaciisa. Isagoo leqay bahal jiciir ah, luggooyana u dheer tahay, buu gurigiisii dib ugu laabtay.
Wuxuu arkay hooyadii oo irradda dibadda ah taagan sina u dhiillaysan. Intuu ku soo dhawaadey buu yiri.
“Hooyo waa sidee maxaa dhaxanta ku dhigay maad gudaha gashid?”
“Alla ma ku keenay, qoftii waa sakaraad, sidaad u baxdayba way suuxsanayd, kuwii ilmo ahaana shaneemay aadeen haddaan tagsi u diri lahaa, “Habartii oo dhakafaarsan baa tiri.
“Tagsi aa, waa sidee hooyo miyaad waalatayl! ma qoftaan haddeer cisbitaalka ka keenay baad leedahay mar kalaan u dirayaa! Intii intaan mar kale cisbitaal geeyo laygu baran lahaa inay dhimataa ii dhaanta. Oo hadda way miyiri la’dahay?” Cabdiyoo sii naxay baa yiri.
Cabdi inta isasoo qaaday buu Maryan oo salligeedii dul taal kor yimid. Intuu dul kadaloobsaday buu gacanteeda midig kor u qaaday cabbaar markuu hayey dhaqdhaqaaqa wadnaheeda ogaadeyna inta soo dayey buu sariir ku dhaweyd go’ saaraa gacantuu ku hayey marsaday.