1. U adeegso codkaaga wanaaga, dhegahana inay khayrka maqlaan, gacamahana bixinta sadaqada, maskaxdana runta, jirkaaga oo dhan Allah ka cabsi iyo toosnida dariiqa saxda ah.
2. Ka dheerow saaxiibtinimada dadka Mar kasta kula falanqeeya dadka kale ceebahooda.
3. Noloshu waxa ay ku baraysaa in aad u baahan tahay in aad go’aan qaadato waqtiga ku habboon – ma ahan goor hore, mana ahan goor danbe.
4. Nolosha Mu’minka sahal ma noqoto imtixaan la’aan. Imtixaankuna ma fududaado sabar la’aan, Sabarkuna kaamil ma noqdo qanaaco la’aan, Qanaacaduna ma dhamaystiranto ilaa kalsooni Intaas waa waddada kaliya ee aad uga guulaysan karto Safarka nolosha.
5. Raggu waxey jecel yihiin in ay Dumarka ka helaan Seddex Dabeecadood.
1. Gabar Dhowrsan, misana Asturan.
2. Gabar Af gaaban weliba Xishood badan.
3. Gabar leh Dhaqan wanaagsan iyo Dabeecad Daggan.
6. Dumarkuna waxa ay ka Siman yihiin Ragga in ay ka helaan Sedddex dabeecadood.
1. Nin Naxariis badan, misana uga Taxaddira sida Gabadha uu isaga dhalay oo kale.
2. Nin Dulqaad badan oo hadii la is qabto noqda kii u Sabra Xaaskiisa.
3. Nin Xushmad badan oo Xaaskiisa u Qaddariya sida Hooyadiisa oo kale.
7. Nin xakiin ah ayaa la weydiiyay maxaa ugu qurux badan wixii aad aragtay, waxaa uu ku jawaabay “Ma arag wax ka qurux badan qof arkaya dhamaan ceebahayga oo haddana weli i jecel iguna kalsoon.
8. Haweeneydii la oran jirey Margaret Thatcher oo dalka Ingiriiska Ra’iisal wasaare kasoo noqotey saxaafaduna ay ugu yeeri jirtey “
Haweeneydii Birta Aheyd” ayaa laga hayaa sidan: Haddii aad doonayso ‘Maxaa la yiri’ Ragga wareyso, haddiise aad doonayso ‘Maxaa la qabtay’ dumarka weydii.
9. Aadanaha haddii xagga Jeebka laga maro wuu is giijiyaa, is adkeeyaa. Qofkaad rabto qalbigiisa in aad furato, in badan ha isku dayin jeebkiisa in aad furato! – Sheikh Mustafa Xaaji Ismaaciil.
10. Luqmaan Al-Xakiim oo ahaa nin aad u xikmad badan ayaa nin uu u shaqayn jirey ka codsaday in uu neef ari ah gawraco kadibna xubinta jirkiisa ugu wanaagsan u dubo. Amarkii ayuu qaatay, waxa uu u dubay Carabkii. Ninkiina wuu cunay.
11. Maalin labaad ayuu ka codsaday in uu neef kale gawraco, xubinta ugu liidatana u dubo kadib waxa uu u dubay isla carabkii. Ninkii ayaa ku wareeray ooo weydiiyeyna sababta uu labbada jeerba ugu dubay Carabka. Waxa uu ku jawaabay: ” Carabku waa mindi laba af leh; haddii aad wanaag (runta, hadalka wanaagsan, dikriga) u adeegsatid waa xubinta ugu wanaagsan jirka ee janno kugu hogaamin karta, Haddii aad xumaanta (beenta, xanta, aflagaadada) u adeegsatana waa xubinta ugu xun ee naar kugu hogaamin karta”.
12. Dumarku waxa ay jecel yihiin in la daneeyo oo weliba si cad loogu sheego in la jecel yahay. Ha ka gaabsan u sheegashada jacaylka xaaskaaga, Haddii aad ka gaabisid sheegashada jacaylkaaga, waxa aad dhisaysaa teed qalafsanaan ah oo adiga iyo oorida idin kala dhex dhigma, xiisihiina gabaabsi ayuu noqon. – Imam Ahmed ibn Hanbal.
13. Sunnada Nebi Maxamed CSW waxa ay la mid tahay doonnidii Nebu Nuux. Qof kasta oo raacaa wuu badbaadi, kii kasta ee ka degaana wuu qarqoomi. – Imam Malik.
14. Hawlaha la qabto waxa ugu roon fulinta waxa uu Eebbe ku faray, ka dheeraanshiyaha waxa uu Eebbe kaa reebay iyo ku kalsoonaanta waxa Eebbe agtiisa ahaaday! – Omer Bin Khaddaab.
15. Ha oran ‘Waqti igu filan ma haysto’, waayo dhammaan dadkii dunidan wax ku soo kordhiyay maalintoodu waxa ay ahayd 24 saacadood ee kamay badnayn!
16. Adduunkan ma jiro ciidan hoos u dhigi kara qof go’aansaday in uu sare u kaco. Nafta aadanaha silsilado laguma hayn karo.
17. Hadal yaqaan caan ah ayaa Dhageystayaal madadaalinaayay wuxuu Yiri; sanadihii igu wanaagsanaa Nolosheyda waxaan ku soo qaatay Gacmaha haweeney aan xaaskeyga Aheyn.!” Dhageystayaashii aamus & Yaab baa ka soo haray. Qaarkoodna Afka ayay gacanta saareen. Wuxuu ku sii daray haweynaydaas waa Hooyadey.
18. Wax ka baro shalay, ku noolow maanta, berrina rajey. Waxaa ugu muhiimsan in aadan joojin waa su’aal gelinta. Albert Einstein.
19. Haddii aad guuleysato, waxaad abaal marin u heli doonta asxaab been ah iyo cadow run ah. Si kasta oo ay ahaato guuleyso.
20. Waxaan akhrinayay fariimihi aan horay isku dhaafsanay, waxaana soo ogaaday inaadan halmar xataa fariin iso dirin, kaliya aad isoo jawaabi jirtay.