Habluhu waagii hore waa tii, ay hadal yaraayeene
Wa kii lagu hawoon jirey intii, hadhac la ootaaye
Waayagii harraadkiyo dhibtiyo, hawsha kululaaye
- Maantana dad wada hoodhay, oo hoogay baa jire
- Intay gacanta kuu haadiyaan, yey ku hodayaane
- Bal inuu hanaankii lumay oo, la is-halaagaayo
- Oo aan wixii hore lahayn, haatanba ogaada
- Hantideenu maalkay ahayd, oo la hayn jireye
- Hadhuub caana ah iyo waa tii, aad hilib cunayseene
- Maantana hudheellaa jiroo, lagu hagaagaaye
- Shaah dibinta kaa hoolayaa, hiirtii loo kiciye
- Bal inaan wixii hore lahayn, haatanba ogaada
- Hangoolka iyo gudintaa ahaa, heensihii wacane
- Maantana wax sida haad lala, oo haw leh baa jire
- Hubka saanada aadiyo bambaa, laysku huriyaaye
- Haydala iniinkiyo midfaca, la is haleelsiine
- Sabmariin badaha hoos mariyo, heegan baa kace
- Balaan inaan wixii hore lahayn, haatan ba ogaada.
Tixraaca Doollo