Adaa Koofilow jiitayoon, dunida joogeyne
- Adigaa jidkii lagugu wadi, jimic la’aaneede
- Jahannamo la geeyow haddaad, aakhirow jihato
- Nimankii jannow kacay war bay, jirin inshaalleeye
- Jameecooyinkii iyo haddaad, jawhartii aragto
- Sida Eebbahey kuu jirrabay, mari jawaabteeda
- Daraawiish jikaar naga ma deyn, tan iyo jeerkii dheh
- Ingiriis jabyoo waxaa ku dhacay, jac iyo baaruud dheh
- Waxay noo jajuubteenna waa, jibasha diinneed dheh
- Jigta weerar bay goor barqo ah, nagu jiteeyeen dheh
- Anigana Jikrey ila heleen shalay, jihaadkii dheh
- Jeeniga hortiisey rasaas, igaga joojeen dheh
- Jiiraayaday ila dhaceen, jilic afkoodii dheh
- Siday kuugu jeexeen magliga, jararacdii sheego
- Billaawuhu siduu kuu jarjaray, jeerarka u muuji
- Naf jaclaysigii baan ku idhi, jaallow iga daa dheh
- Jaljalleecadii baa wadnaha, jeeb ka soo ruqay dheh
- Jeedaaladii baa indhuhu kor, ii jillaadmeen dheh
- Jimic kagama helin tuugmadaan, jeriyey ruuxii dheh
- Kolkaan juuq idhaahdaba afkay, iga jifeeyeen dheh
- Dhaaxaan jalleecee dhagbaan, jalaq la ii siinin dheh
- Goortaan jarreeraba gafoo, nolol ka jaan qaaday
- Sida janannadii hore tashigu, igu jaguugnaa dheh
- Taladii jinnigu ii hor maray, jaasadeed helay dheh
- Jiidaha xanuunka leh markii, la igu jeeraarshay
- Jibaadka iga soo baxay dadkii, jiifka qaban waa dheh
- Kolkay rubaddu jow tidhi or bay, iga ag jiibsheen dheh
- Jiidhkaygiina bahalbaa cunoo, jiitay hilibkii dheh
- Jurmidiyo baruurtii dhurwaa, jugux ka siiyaa dheh
- Jiljiladiyo seedaha tukay, igaga jaaseen dheh
- haddaan lays jikraareyn tolkay, laga jidroonaa dheh
- Weligood waxaa lagu jaraa, jilib-dhig duulaan dheh
- Daraawiishi waa jibindhowgiyo, jowga soo bixi dheh.