Q-45aad taxanaha adeegto

Intuu istaagay oo jeebabka gacmaha gashaday buu bela fekereysa iska dhigay. Hooyadii oo ilmo ka daadanaysaa ag taagan. Isagu ma oga in habartu ooyeyso. Maduxuu ruxay oo sidii qof murugeysan hoos ka guuxay.

“Maxaad ka murugoon, waxaadan is badin cidi kuma badine. Boodi lahaydaa, booyi lahaydaa, ama baabacayn lahaydaaba adigaa isugu wacnoo isku keenaye ka maal,” Habartii baa tiri.

Awal habarta uun baa murugo ooyeysaye hadda isagay ku weyn tahay. Inuu ooyuu ku sigtay allow nacasow ha kuu naxariisan. Jeebabka intuu gacmaha gashaday oo hadba dhan eegay buu nin wax qabanaya iska dhigay. Arag oo goosey inayan suuro-gal u noqon doonin mar labaad cisbitaalk geynteedu. Sidii uu u fekereyey ayuun buu ugu dambayntii xusuustay in daawo loo soo qoray, orod buu haddana isa sii qaaday oo daawadii doonay.

Tagsi buu sii qaatay isaga gaar u ah. Aad buu isugu buuqay, meel uu wax mariyo iyo si uu waxyeeluu garan waayey. Maryan Cisbataal ma geyn karo, takhtar kale uguma yeeri karo, iyadii waa sakaraadoo meel laga hayana aqoon uma laha, ma fogeyn karo oo wuu ka cabsanaya inay dhan kale isula rogto.

Isagoo meella qaban la’ ayuu farmashiye soo galay. Dhawr kol buu u holladay inuu sun ay ku dhimato u gado haddana la ahaan weydey. Warqadii takhtarku qoray buu la soo baxay oo u dhiibey mid farmashiga gadayey, kii ka qabtay baa warqaddii intasi degdeg ah u jalleecay waxba kuma daahine yiri, “Adeer ma hayno Daawadaa dooneysid. Waxaa filayaa inaadan heli doonin, sababtoo ah indhawaaleba daawadani magaalada ma soo gelin”. sidii ayuu tuuryo warqaddii ugu gudbay.*

Cabdi way ku soo cuslaatay. Qammuunyo iyo jirriqsi buu bilaabay ciil iyo murugo ka keeneen. Si cago jiid ah ayuu Farmashigii uga baxay. Hadba dhan buu eegay.

Meelaan ka dheerayn baa waxaa u yaal tagsiguu soo ijaartaye isaga sugayey cabbaar danbe.

Isagoo tufaya buu tagsigii daf soo yiri, is hiifka iyo haaraanka ka baxaya shinbirtii ag martaa way dhiman. Badday biya macaan ka dayday. Tagsiilihii arag inay cunayso, danise, kama haysoo wuxuuba jeclaan lahaa inay inta ku sii cuslaato uu caabbaar sii wadwado.

‘‘Haye daawadii ma soo weydey? tagsiilihii baa yiri. “Soo waayaye bal ina mari kuwa kalaynu ka eegeynaaye” Cabdi oo si u naxsan baa yiri.

Wax magaaladii la jiira jiireeyaba mar buu farmashiye kale la yimid. Cabdi warqaddii buu iska soo hor mariyey. Waa laga qabtay oo haddiiba inta lagu soo celiyey waxaa loo tilmaamay farmashiga loo malaynayo in daawadaasi taal. Intuu tilmaantii si fiican u qaatay baa orod lays dhigay laba saddex jiir inta laga sii laabtay haddiiba daf la yiri.

Cabdi sidii buu weli isaga soo hor marinayaa warqadda. Waa laga qabtay oo sidii horay ugu dhacaysey laguma soo tuurine waxaa la yiri, “waa siddeetan shilin”.

Cabdi inta awal waa yaabbanaaye sii yaabay oo sidii uu wax ka dheer hanqalooc sanayo cirba taagsadey hadal wuxuuna ka yiri, “Yaah? Siddeetan maxay ah?”.

“Siddeetan doolar ma ahee waa siddeetan shilin oo kaliya, hadday kugu badan tahayna waad iska dhaafi karaysaa”, nin daawada iibinaayey baa yiri.

Weji kalay Cabdi ku bixisay. lacagtii buu qaadan waayey badnaanteeda. Ciilkii iyo carradii baa ku sii batay. Wuu tallamay, go’aanna gaari waa wax maahsan buu noqday, indhihiina intay jillaadmeen bay darbi ku dhawaa si fiican u qabsadeen. Waxaa ag taagnaa ninkii daawada beecinayey oo isagu kaba yaabban sida ninku u maahsan yahay. Cabbaar buu jawaab ‘maya ama haa ah ka sugayey, dad badanina waraaqay la ag dhoobanayeen dawayna rabeen. Waxay raagsanayeen waqtiga Cabdi iyo dawodoonkiisa lagu dhumiyey.

Ninkii intuu dawadii faraha Cabdi oy ku jirtey ku dhaafay buu dawo iibin bilaabay, uguna kaadshey bal ilaa uu ka miyirsanaayo.

Cabdi waxaa madaxiisa ku wareegayey lacagta badnaanteeda, nasiib xumada la soo daristey. Wuxuu is tusay Maryan oo intuu soo maqnaa dhimatay. haddana filim kaluu inta daartay farmashigii dib ugu soo noqday.

Sidii qof hurdo laga nixiyey ayuu inta kor u boodey yiri, “Haye, lacag ma ku siiyey?”

Dawo iibshihii iyo dad badanoo filimka daawanayey ayaa isku mar qosol ka wada kacay. Dhawr dadka ka mid ahaa baa inta isu wada iljabiyey dhafoorada farta ku wada mudey siday wax waalan tilmaamayeen. Cabdi arag inay sidato. Lacagtii buu la soo boodey inta ninkii boqol shilin iyo dawadiiba u tuuray, yiri, “ka gooso iina duub”.

Haddiiba inta loo duubay baaqigiina loo soo ceshey baa faraha laga saaray. Caguhuu wax ka sii dayey tegsigii isagoo ka sidii wata gurigii baa la tagey. Tagsigii baa isna bahal lacag ah yeeshay, danina waa siisay.

Cabdi oo daalan, ciil qaba, wax uu u ciil qabana aan garanayn ayaa gurigii soo galay. Taas buu Maryan ugu tagey, mise iyadoo miyir qabtoo sidii dhaantay sare fadhidaa. Mar alla markuu arkay inay nooshahayba intuu farxay buu qaadan waayey, hadalna wuxuu ka yiri, “Maryan, bal warran? hadda sidee tahay? Dawaan kuu doonay waana wadaa.”

Maryan weli sidii bay u cabsi iyo ciil qabtaa. Mar kastaba waxay soo gocaneysey sida loogu xad gudbey markaasay inta gebida rogato oohin hoos ka miisaysey. cabbaar markay aamusnayd walowba hadal laga sugayey bay mar dambe hadal wax u eg tiri, sidaan baan ahaye maxaad iga weydiineysaa!”

Cabdi si uu wax yeelo iyo meel uu wax mariyuu garan waayey. ★wuxuu isaga deystay in intuu dawo siiyo uunan laba hadlin marba hadday ladan tahay, ilaa ay bal intii waqti ah si uun noqon doonto.

Habeenkaa sidaasaa lagu kala seexday ka dib markuu su’aala la’aan dawaday u baahnayde loo qoray uu siiyey. lyadu ma hadleyn, hadalka la yiraahdana way maqleysey, hadba wixii samee la yiraahdo ama dawada leqna way sameyneysey.