Waxa ay aheyd goor galab ah oo ay qoraxda sii dhaceyso waxaan fadhinay geed u dhaw xafadeena aniga iyo saxiibkee waxaa dhinaca galbeed oo ay qorax u sii naceyso ka imatay gabar aan iskula muranay in ayba aheyn reer aduun oo aan isdhahnay ma xural ceytii Janadaa. Waxa ay aheyd gabar aan gabneen ana saaid u dhereyn, iftinka wajigeda ka baxayo waxa uu ahaa mid indhaha itiray oo aan awoodi awayay inaa fiiriyo markii ay socoto lafyaha ayee isla wadaa oo si edabsan ayee janta iskula qadeysay, sodkeeda waa mid u roon qulubta binu adamka waxa ayna leedahay naxariis iyo dhaqan wanagsan. Aniga oo indhaheyga iyo qalbikeyga iyada la sii socdaan ayaa saxibkee igu yiri mar qura Ma naftii ayaa kaa baxday adiga mahsanee Markaas ayaa ku iri Ma anaa nool qalbikeyga ayee mar un xaday oo ay dagtay.” Intaas ka dib waan kala tagnay ani iyo saxibkee balse xilikaas ilaa habenkii oo dhan waxaa ahaa ruux dadka la joogo muqaal ahaan balse qalbikeyga iyada ayaa
la joogay oo iyada ma ahee ruux kale ma arko. Markii aan habeynkii dhan seexan waayay ayaa subaxii saxibkee u shegay wax walbo oo xalay igu dhacay oo aan ka seexan waayay oo iyada mar walbo i hor tagantahy muqalkeeda. Saxiibkee waxa uu igu yiri is daji waan radineynaa wax walbo ha inagu qaadatee. Malintii oo dhan waxaa ahaa mid iska dhax fadhiyo fasalka iskulka oo aan waxba la socon. Meel walbo waan ka raadinay balse ma anan la kulmin mar qura, hadii aan la kulmi la haa wax walba ayaa u sheegi lahaa. Inta uu meel faristay ayuu yiristay ayuu is ka dhadhiciyay in ay dhinaciisa fadhiso markaas ayuu ku oranayaa:
Miyaan kuu waramay wali Inu wabiga caashaqu I wadaaa finaayoo waayadanba ii sido Intaan wareerin maa wax ii qabati Duunyo aan kuu waayo waqtikana kuu hibeyee Qoraxdii wareegtiyoo waageed iftiimaba Nafta waaniyayoo wal wal u diidaaa ku sasabaa mar ubad wada daadihineyoo tusaa sawiro aan jirin ay meqashayee nolosha ma wadagnaa oo ubad ma isku abaabinaa ifka laba ma ku ahanaa macaaan iyo qaraar ma wadagnaa.
Buuga: Axaadkii jaceylka
Qoraa: Feisal Mohamed Abdirahman