Cabdi Gahayr iyo Camanje ayaa isu gabyey markaasaa Camanje tirshey gabay hal-xidhaale ah.
Cabdi Gahayr uma jawaabine wuxu yidhi ninku aakharuu ka gabayey oo anigu u gabyi maayo. Ismaaciil Xayd Xirsi oo Berri-Carab ku maqan ayaa loo sheegay oo la yidhi nin Camanje la yidhaahdaa soo baxay. Gabay dheerbuu soo diray oo laga hayo; Wallee kuguma sugo saaxiryohow Seyladdii Herere. Gabaygan waxa lagu khaldaa gabay uu lee yahay Xaaji Cali Geelle. Dad badan baa labada gabay isku dhex qasa oo markaa ka dib marna Afloow siiya marna Xaaji Cali Geelle. Intii tamartayada ah ayaan isku daynay inaan labada gabay kala gurno oo Abwaan walba intiisa goonni ugu xaradhno.
- Afar boqol ka badan maansadaan, uurka ku hayaaye
- Afarrayda nimanbaa tirshoo, lagu amaanaaye
- Isaaq iyo Ogaadeen haddii, laysusoo urursho
- Ninka aniga mooyee gabyaa waa afkala qaad.
- Awr badan waaraabuhu hadduu, waa ajale laayo
- Kuma aamusnaadee hadduu, uubatada qaado
- Oo aarka wayn ugu yimaad waa afkala qaad.
- Hadday ayra geel kuu rintood, waayabadan eegto
- Uumiga kaliileeda hadday, aaminey curato
- Oo ibiha naasaha la jaro waa af kala qaad.
- Cirka oo awaal gudhay hadduu, oogo ka hillaaco
- Laga ooli maayee haddii, lagu itaal guuro
- Oon idhanka doog loogu tagin waa afkala qaadi
- Markabkoo awaalkacay hadduu, shooladda afuufo
- England iyo Walaa’ buu tagaa, toban ayaamoode
- Aafaadku waa bad’e haddii, dakhalku iimoobo
- Kol haddii injiinku u fakado waa afkala qaad.
- Nin sixiimad idihii ku guray, iyo alaabtiiba
- Iyadoo ayaan maqan kolkay, uura culus keento
- Duufaan hadduu kugu afrogo waa afkala qaad.
- Culimada abaabiyo fadhida, Adari guudkeeda
- Haddaan origa jaad loogu ridin waa afkala qaad.
- sheikhii axkaantii bartiyo halkay diintu ku aroorto
- Hadii alifle waabka ugu tago waa afkala qaad.
- Nin maqaaxi iibsaday haddii, loogu iman waayo
- Wuxuu eego eegaba haddii, maqalku uugaamo
- Kol haddii albaabada la xidho waa afkala qaad.
- Tuuggii Ilaahay ka go’ay, aqal haduu jeexo
- Isagoo uluuf lagaca sida, inan haduu jiidho
- Ulo kulul kolkii lagu dhuftuu, edeb ku qaataaye
- Arbiciin haddii lagu xukumo waa afkala qaad.
- Abtin sare shisheeyaha haddii, la isku alalaaso
- Irbadiisa goortaan qabto, ololow maadhiinka
- Arxan nimaydaan kala eeganayn, waa allaw sahale
- Hadduu farasku uub kugula dhaco waa afkala qaad.
- Magayaduu Amxaaruhu watee, iimay laga keenay
- Sange uubad jeex ahi hadduu, sheedda ka eryoodo
- Oo eriga baal loola kaco waa afkala qaad.
- Ashahaadadii waan saxnaa, waanad aragtaane
- Arji xaal ninkaan iiga qoran, amarka geeraarka
- Ninka aniga mooyee gabyaa waa afkala qaad.
Qoraa: Hoyga Suugaanta ee Doollo
