Maadama buuggan ka hadlaayo hormarka nolosha, waxan diirada saareyntaa markaan qeyb muhiim ah, run i in aad xirfadle noqoto ayaa kaa caawineyso in, aad ku noolaato nolol aad u dagan.
Waxaa kula wadaagi doonaa xirfadu aad u sahlan, barasho ahaan iyo ku shaqeyn intaba aadna ku badali, karid noloshada.
Hadaba cutubkaan marka aan isla aragno xirfadaha, waxaa ku xigo cutub kahadlaayo sida aad u buuran, laheed ganacsi.
Maadama aad heshay xirfad kugu haboon.
In aad u bedesho ficil aadna bilaawdo ganacsi si aad, uga hesho dhaqaale iyo isku filnaasho buuxda.
xirfad walba aan idiin kugu soo gudbiyo waxaa u arkay, fursad aad u fiican kana maqan dadkeena ama ku yar.
Waxaa halkaan kuugu soo bandhigaa ilaa dhowr, xirfad oo aan isleeyahay fursad ayaa ka banaan, hadii uu qofka barto.
Xirfadaha loogu jecel yahay sanadka aan ku jirno iyo, mustaqbalka lehna suuq fiican qofkii yaqana ama, bartana ku heli karo lacag fiica
*Cilad bixinta Kumbiyuutarka
Computer repair waa xirfad laxariirta dhanka cilad, bixinta computers ka.
Xirfadaan ayaa inta badan looga soo baxaa jaamacad, adiga oo ka qaadan kar shahaado sare sidoo kalana,
ku baran karo si Private ah oo aad ka baran kartaa, Machadyada. Qofka barto sida loo cilad bixiyo, computers waqtigaan aan ku jirno waa fursad weyn,
qof walba ee naga mid ah waxa uu heysta computer, waxaba suurtagal ah in guri walba laga heli hal ama laba, ka badan.
waa xirfad sahlan barasho ahaan marka aad baraneyso, lacagta lagu bartana aad u jaban qof walbana awoodo, nacfina leh marka aad barato xirfadaan.
*Graphic Designer (Naqshadeeye)
Graphic Design waa xirfad loogu jecel yahay waqti, xaadirkaan.
Inta badan dadka xirfadaan leh ayaa ku shaqeyo in ay, sameyan naqshadaha logoyinka shirkadaha boorarka, xafladaha iyo wax walba ee la daabaco.
Qofka habeyo ayaa loo yaqana graphic designer oo ah, qof hal abuur leh curin iyo sameyn isku dari karo, xirfadaan ayaa ah mid qofka yaqano aanan ku waayenin, shaqo hanoqoto mid shirkad ama in aad adiga noqoto, qof iskiis u shaqeysto (Freelancer).
*Photographer (Sawirqaade)
Maku fiican tahay sawir qaadista aqoon ma u leedahay, camerada haddi ay jawaabtaadu haa tahay ogaaw, xirfad cajiib ah ayaad leedahay dunidana aad looga, qiimeeyo. Qofkaa camera si proffesional ugu sawiri karo sawirada, sida xafladaha, products la iibiyo sawirada dadka, lamaanaha, sawirada asxaabta iwm.
Xirfadaan ayaa ah mid barshadeeda sahlan hadana saas, ay tahay aad ku heli karto daqli badan adiga oo qaadayo, sawiro habeysan. Waqtigaan aan ku jirno aad ayay u, istcmaalaan bulshadedana sawir qaadista hanoqo mid, qaas ah ama mid ganacsi intaba.
Waa fursadaha banaan oo aad haddii aad barato ka, sameyn karto lacag kaliya adiga oo qaadayo sawirada.
*Bare Online ka
Haddii aad ku wanaagsan tahay wax soo gudbinta aadna, leedahay xirfad macalinimo waxaad u badali kartaa shaqo, aad ka sameyn karto dhaqaale. Adiga oo dadka ku barayo, hab Online ah waxa aad ku fiican tahay.
Waxay ku jirtaa Liska xirfadaha aadka loogu jecel yahay, ayna sahlan tahay in aad barato habka gudbinta, markaasna aad adiga macalin noqoto qaab Online ah.
Kaliya waxaad u baahaneysaa meel aad dadka ku siiso, cashirada, meelaha ugu sahlan waxaa ka mid ah, Website in aad sameysato halkaasna ugaliso cashirada. Sidoo kale waxaa jiro habab kale oo lagu bixiyo cashirada Private Facebook Group, WhatsApp Group, Zoom LIive.
*Maamulida Baraha Bulshada Social Media Manager
Waqti badan maku bixisaa istiicmaalka baraha bulshada aqoon fiican ma u ledahay habka loo maamulo Pageska Ogaaw waxaa noqon kartaa qof sameyo adeeg, maamulid in aad u maamusho dhowr shirkad, ciwaanada ay ku leeyihiin baraha bulshada,
sida Facebook Page, Instagram, Twitter.
Waxaad ka sameyn kartaa xirfadan lacag fiican sababta, oo ah waqti xadirkaan ma jirto shirkad aanan laheen, inta aan soo sheegay ayaga oo u isticmaalo in ay ku soo, bandhigaan adeeg yada qabtaan iyo xogtooda intaba.
Qoraa. Abukar Ibrahim
Buuga hormari naftaada