Gabaygii abaal ka dhac Gabaygan waxaa curiyey abwaan maxamed nuur fadal waxaa uu na ahaa reer nayroobi waxaana uu abwaanku ula dan lahaa gabaygan niman ay isxigeen toolkiis ah waxaanu yidhi:
lax la qalay lugteediyo hadii lulato laysiiyo waa caawadaan laasan jiray lug iyo jiidhkeede waa caawadaan sida lukida liifadayn jiraye lixdan aniga oo jirey tashigan laydha iga raacay nimankaan lo,daydii casayd laanta ugu jiiday nimankaan dukaamada lig ligan laba labo u siiyey wax la liqiyo xoolaba ragaan ugu laxaad yeelay een lacagta jeebka ugu gurey lohonlihii caydhe iminkaabay leebkiyo warmaha ii lisanayaane inkastay ladaadyada baruur laqanyo daacayso leg ninkii u kariyey dishaa liida doqoneede lib -gad iyo abaal xumana waa loo ogaan jiraye ma liimaanihii diiriyaa loox u daabacaye waxba niman lillaynayn ayey luqadi raaceene markuu sida luwada qaawanaa ee leylka soconaayey haddii aan lingaxo oon qalbiga lahashada u diido oo aanan luunkaba ka rogin lur ima gaadheene laxawsiga xigtada lay gashiyo lahaanshahaan eedey kalax xiiba baan leeyihiyo laabta xuunshada e waa waxa rag igu laacayaa laxam dhaqaaqaaye afar laba lix goor buu sidaa iiga loogsadaye mar uun igama liimaanine way ladaab sadaye alla labiyo toban jeer miyey liidnimo I raacday
Qoraa: Casayr Aadan Salleebaan