Axadkii Jaceylka | Q-10aad Adegto

Cumar wax uu dhameeyay waxbarashadiisa wax uuna helay deeq waxbarasho oo dibada ah Ramlana waa ay fasaxday oo ay ku tiri waan ku sugayaa ilaa aan ka dhinto.
Waxa uu socdaba waqtikaa ayna waqti kuwada qadanayeen Baraha Bulshada ayaa waxaa dhacday arin Ramla soo gaba gabeyay nolosheyda qeyb ka mid ah kadib markii ayada oo ka imatay shaqada u socoto xaafadeeda uu gaari weyn jug siiyay iyada oo islaheyd wadada gooyo inta uu gaarigaan ku soo gaarin.
Markii gaariga jug siiyay Ramla durba waxaa loola cararay isbitaal, dadaal dheer ka dib waa lagu guleystay in laga

badbaadiyo halista balse dhaaqtiirta waxa ay walidkeed u shegeyn in aysan gabadhooda hadli Karin oo makaxda qeyb ka mid ah ay jug ka soo gartay sidaas awgeedna aysan hadleynin laakinn xogaa ay fahmeysoo calaamadah ahaan in warka loogu sheego.
Ramla markii ay soo naxday oo ay islaheeyd Hooyo dheh maba awoodin taas waxana loo shegay wax walba sidee u dhaceyn.
Mudo bil ah ka dib Ramla waxaa laga soo saaray Isbitalkii waxa la geynay gurigii balse ma aysan iloobin Axdigii Cumar ay ka qaatay.

Cumar waxa uu ahaa mid wal walsan waxa ku dhacay Ramla isaga oo fariinta ka heli jiray Saxibkiis walashiis oo Ramla saaxiibo ahaayeen.
Intaas ka dib Cumar waxa uu go’ansaday in uu barto calamadaha wax loogu shego dadka aan hadlin Karin si uu u sii wado Axdikiisa Jaceylka.
Ugu danbentii Ramla Aabbaheyd ayaa go’ansaday in magaalo kale geeyo si ay maskaxdeda u soo dagto oo hawo fiican u soo hesho waxana la geyay meel kale oo dagan.
Wixii ay Ramla iyo Cumar isla soo maran dhib iyo dheef maalintii danbe Ramla wey xamili weysay in ay sii wado xiriirka,

Qoraa: Feysal Mohamed Abdirahman

Buuga: Axaadkii jaceylka