Maxaa loola jeedaa han sare? 

Han sare waxay ka dhigan tahay in qofku yaraysto caqabad kasta oo ka hortimaada inta uu hiigsanaayo yoolka uu rabo inuu gaaro. – Han sare waa shayga kugu xanbaraya in aad u istaagto oo ka mira dhaliso yoolka aad hiigsanayso. wuxuu yiri Cumar bin khaddaab: – Hankaaga ha yarayn, waayo maan arag qofka wax curyaamiyah (saama-jiida) oo ka daran han yarida (hankiisa oo hoos u dhaca).

Soomaaliduna waxay ku maah maahdaa ” lax waliba shilalkay is dhigtaa lagu qalaa taas macanaheedu waxaa weeye, hadba adigu meeshaa is dhigto ayaad ahaan, haddii aad han sare yeelato, meel weyn ayaad gaaraysaa haddii hankaagu hoos u dhacona waligaa liidnimada ka biximaysid. Haddaba, han sare wuxuu la mid yahay Himma saraysa. Han hooseeyaha wuxuu la mid yahay Himmad hooseysa, himmaduna waxay la mid tahay, shayga qofku ku hamiyo oo uu niyaysto oo ku fikaro inuu sameeyo kana sal gaaro  

Buuga:  Astaamaha qofka hanka sare leh

Qoraa: Cabdifataax Maxamuud Ducaale ” Cajab