Gabayga dhunkaal
Dhimasho iyo nolashu waxay isku jirtaa labada dholloode
Dhako meyd markay yeelatay baa geyshu dhiidhiyaye
Dhurwaayada kuwii naga xidhxidhay way na dhiciyeene
Damaantoodba waw mahad naqnaa kuna dhawaaqnaaye
Dhanbaalada is daba yaacayiyo dhabaq la’aanteede
Dhaantada shacbigu qaadayaa waa dhibtii hore’e
In kastoo wisiir dhibi lahaa, jeelka lagu dheelmay
Oo dhoorrayaashii sarsare dhababka loo jiiday
Dadku tawradduu dhawrayaa waa dhursugayaaye
Dhoobadu halkii ay fadhiday looma dhaadhicine
Dhexda nimanka noo joogsaday ee dhaxanta noo saaray
Dhiigyacabyadii lama qaqaban dhiirranaan jiraye
Jeeroo maxamed loo dhisoo dhididku hoobaano
Nin waliba wuxuu dhimay illaa dhabarka loo saaro
Jeeroo waxay naga dheceen lagaga dheemaasho
Daarahan la dhiibsaday illaa laga dhawaateeyo
Dhacadiidki jeeroo rag badan dhawda laga saaro
Jeeroo rag lagu dhugtamayoo dhaaftay la arkaayo
Dhunkaal shilinku jeeruu noqdoo dhuunta mari waayo
Dhabaqsiga la dayn maayo iyo dhiilki lays baraye
Dhabbahaa aan soo jilay haddii laga dhabayn waayo
Dhutis xaalku kama baaqsadee dhuuxa hadalkayga