Balse, waxaa Siciid la soo darsay walwal iyo walbahaar badan, isagoo maskaxdiisa waydiinayay “tallow markay ogaato Cabdirashiid unuu walalkaa yahay maxay Saafi samayn doontaa? tallow se ma kaa yeeli doontaa mase kuu suura galayaa jaceylkan maqaarsaarka ah. Taariikhdaas Siciid iyo Saafi marxalad badan baa soo dhex martay. Sida habeen iyagoo labadooda qudha ah ay jilayaan
jaceylka bay Saafi ku tiri; “waxa baa igu leh jaceylku waa kaligaaye, Siciid kuma jaceyla”.
“Waayo”, Siciid baa ugu jawaabay.
___”Dee kaama muuqdaan indho jaceyl u
buko” bay Saafi tiri.
Siciid wuxuu yiri:
“Mirta dhexe sidii aar mirkacay muuday kaligaye
Macaluul la jiifsaday dugsiyoo maalmo kuu qadaye
Ka mad luubay naagaha kaliyo midab haldhaaleye
Adaa maanka iga jiitayoon kuu muhanayaaye
Ma mid maahsan baad tahay rayiga waan
mitamiyaaye”
___Maxaa habeen iyo maalin ikaa duldhigay haddaan jaceylku dhab iga ka hayn buu Siciid ku
yiri. Muddo haddii ay si hoose isu jeclaayeen, oo ay siraysteen in badan, Siciid iyo Saafi jaceylkoodii waa kashifmay. Waayo, degaankii oo dhan baa laga ogaaday. Yeelka see, dadkii isku ogaaday inay is caashaqsan yihiin uma ayn joojin hadaladoodii. Mid ba midkan kale ayaa uga
dhignaa adduunyadii oo dhan. Waxay saa ahaadaan ba oo ay sir iyo caad isu jeclaadaan ba, habeen kale oo ay balansanayeen buu fiidkii ugu yimid nin ay col ahaayeen, oo hadda ka hor Siciid gabadh ku diray ay sheekaysan jireen.Waxa uu arkay gogoshii ay ku fadhiday Saafi, isaga oo dhinac kaga fadhiya, Si fiicanna la isula jabinayo qosolka. Judhii ba Siciid waa shakiyey isaga oo u ku tuhmaya inuu Saafina ku dirayo ninkani.
Siciid: Assalaamu calayku?
Casayr: Wacalaykum wasalaam. Soo dhawaw,
buu ugu jawaabay.
Siciid: Maa labbadiinna oo qudhaa?
——Dabcan, haa waa labbadayadee soo
fadhiiso.
Saafi iyo Casayr baa isku mar yidhi.
Siciid: Maya, ee iga raali ahaada. Intuu yiri buu
dhaqaaqay. Saafi oo dareensan dhaqaaqa Siciid baa, ka soo daba dhaqaaqday. Dabadeed, guriga
duleedkiisa ayey ku soo gaadhay.
__waxay ku tiri, “maxaa ku helay ood la noqotay, sow ballan ma aynaan lehayn?
Siciid isagoo Saafi Casayr ka fogaynaya ayuu
yidhi:
“Gabadhyahay gayaan bay nu nahay guurna way galaye
Waxay galay inaan guursadaa geenyadaad tahaye
Ballankaynu wada goosanaan galiyay laabtiye
Adigaana gooyo haddana waan ku garansiine
Gabaygaan inoo tiriyayoon gees walba u jeedshay
Gufaacada dabayshiyo wuxuu galay daruurtaase
Gobtase aanu nahay gabadh hadday galin la
haasawdo
Oo ay guddoon wada dhigtaan gar iyo xaajo dhan
Gunta Iyo gumburada u yimid gogol hadday siiso
Waliba ayan guulguulinine gooha maqashiiso
Mid kaloo Illaah noo gartaba waan ka gudubnaa”
___Saafi waa ku dhegtay Siciid, iyadoo leh,
miyaad hinaastay? Ninkani wuxuu sugayay Caasha oo xafada ku maqan ee ina keen.
___Wuxuu ku yiri, haddaan ku raaco waxaa loo qadanayaa nin la soo cadho celiyay ee, hadhow
baan kuu imanayaye iska tag.