Akhristayaal, mawduucan waxaa igu kallifay inaan ka hadlo, waxaa waayadan soo batay furriin mane la’aan, oo si fudud lagu kala tago, gabdho yaryarna mustaqbalkooda lagaga cayaaro. Looma naxayo gabadhaha yaryar ee xilligan jooga, markuu waxyar oo khalad ah dhacana warqadeeda ayaa indhaha lagaga tuuraa, qoysaska maanta jooga uma dulqaataan waxyaabo ay qoysaskii hore iskaga dulqaadan jireen, sida masruuf yarida ama biil la’aanta.
Waxay qoysaski hore ku kala tagi jireen, waxyaabo saamayn muuqata leh, xalkoodana la gaadhi waayay, maslaxadooduna furriin ka maarsan waayay.
Haddaan soo qaadano qiso dadyawgi hore inaga soo gaadhay, oo ku saabsanayd nin damcay inuu qoftiisa furo, walow, markii dambe uu gabadhi iska daystay, oo uusan furin, bal ila dhuuxa caddaymaha ku kallifay damaca furriinka.
Waxaa la yidhi nin baa bari wuxuu yidhi xaaskayga waan furayaa, waagii hore, markii haweenka la furayana waxaa la iskugu yeedhi jiray odayaasha meesha ka dhaw. Ninkii wuxuu iskugu yeedhay dhawr oday, wuxuuna u sheegay in uu furayo xaaskiisa. Waxay waydiiyeen, sababta uu u furayo. Wuxuuna ugu jawaabay, sidan:- Xaaskayga waan furayaa, oo waxaan ku furayaa seddex sababood oo min seddex ah:
Seddex anigaa ku qaba,
Seddexna adhigaa ku qaba,
Seddexna aqalkaa ku qaba.
Wuxuu yidhi:
Seddex anigaa ku qabo, gogol xumo, gasiin xumo iyo guda xumo
Seddexna adhigaa ku qabo, Tira la’aan, tebis la’aan, tondoomo joogta ah
Seddexna aqalkaa ku qaba, Kordhin la’aan, kala gur la’aan iyo kor tag dhawi.
Waxaana la sheegay uusan gabadhi furin oo uu iskaga dulqaatay, arrimahaas uu soo sheegayna waxay ahaayeen arrimo saamayn wayn ku leh, dhanka dhaqaalaha iyo waliba arrimaha qoyska. Maanta waxyaabo fudayd ah baa lagu kala tagayaa. Marka dhallinyaroy, wiilow gabadhu waa walaashaa, gabadheyna wiilku waa walaalkaa, ha is baylihinina, ha is dayicina, ha is mustaqbal tirina, ha is qiima tirina.