Saafi baa tiri “nin kan kama lug baxayno ee inna kiciya guriga aynu tagno ee.” Aqalkii gaarka u ahaa Saafi ayey ku soo dhaweeyeen Siciid. Saafi aqalkeeda iyo sida uu u binaysan yahay bilicdiisa, iyo gogosha taal quruxdeeda baa Siciid judhii ba lagu beerqaaday. Dahada aqalka oo ay tiirsanaayeen harar baarka loo tidcay iyo kuwo aan weli farta laga qaadin baa ay ku tiir tiirsanaayeen. Waxaa isku beegnaa Siciid iyo Saafi, iyada oo hararkii qabyada ahaa dacal u fidisay, iyadna dacalka kale kaga fadhiday. Sheeko waa hasaawe iyo shubkax. Haddii ba in badan la is xog dhaafsaday, kor iyo hoos ba, Saafi iyo Siciid waxa ay ku ballameen, caawo fiidkii in la isu yimaaddo. Waana la is nabadgalyeeyay, isaga oo leh “caawo sanqadhii baxdaa waa aniga
ee la soco.” Abbaaro 8:00 fiidnim, Saafi kolkii ay hawshii oo dhan ka soo fara madhnaatay, ayey u diyaargarawday la kulanka Siciid. Habluhu badanaa cawaysinka markii ay gaadho, waxaa u dhaqan ahayd inay ardaaga hore ee guriga harar dhigtaan, oo ay kobtaas maxaa la yidhi da hayaan.
Ballantu sidii ay ahayd Saafi oo maanka ku haysa, imaanshaha iyo sanqadha Siciidna u
dhag taagaysa baa ardaaga caawa keli fadhida. Caawa se, maxaa la yidhi iyo maanta maxaa ka dhacay magaaladii, inay dhagaheedu maqlaan ma rabto. Sida oo kale, caawa ma rabto inay
Ina-adeerteed Caasha wehliso, cid kalena iska daa hadalkiisa ee. Muddo yar kaddib, Siciid oo
aan dhag la qabto lahayn baa yimid. Oo maad ba isii sugaysay, haddii uu salaantii ka horaysiiyey,
waa uu salaamay Siciid, Saafi. Qosol yar oo aan dhoollacadayn dhaafsiisanayn kaddib, waa ay ka
qaadday salaantii Saafi, Siciid. Siciid oo ay dani tukhaan tukhinayso baa markii uu ogaaday inay
Saafi ka raali tahay hadalkiisa, u soo bandhigtay jacayl. Murti iyo maahmaah ba waa uu ugu soo bandhigay kalgacaylka uu u qabo baaxaddiisa. Saafi oo aan weli garanayn inay Siciid Iyo
Cabdirashiid labo walaalo ah kala dhaleen, bay xishood dartiis iskugu adkaysay Siciid.
Iyada oo jacayl bay isku giijisay. Balse Siciid waa uu ugu celceliyey inuu jecel yahay wuu ku
adkaystay inuu jaceyl yahay goor uu u caal wayay ayuu ugu catabay:
“Hindisiyo ardow waxa iwaday haybta guudnimo e
Hummaagiina uun baan arkee sooma hoyaneene
Hagaagiinu waa inaad salaan naga horkeentaane
Waa inaad na haasaawisaan hodaney maantaase
Marse haddaan halkaan doonayiyo hagarbax kaa
waayay
Oo maan hadhkii geedka iyo doonto halahayga.”
Dhawrkaa meeris ee gabayga ah intuu dhagaha ugu riday buu ka soo tagay, Siciid. Saafi oo mar
danbe isla yaabtay, khalad inay ka gashay nafteedana ogaatay baa, Siciid soo raadisay;
iyada oon baal ka marayn dhaqankii gabdhaha Soomaaliyed, ayey labo cisho kaddib u soo
kicitimtay Siciid gurigoodii. Waxayna xidhiidh la samaysay Sahra Cali Cismaan, oo ah Siciid
walaashiis ka yar. Ka dib, farriin bay ugu dhiibtay Sahra, Siciid.
Markii ay aragtay farriintii ayey Siciid ku tidhi, “Gabadhii la faanin jiray baa ku doonaysay oo,
waxay igu tidhi, Siciid ha ii yimaado.” Waa yahay intuu yidhi buusan u tagin. Laba cisho
kaddib bay Saafi haddana Sahra u timid. Waxoogaa sheeko ah kaddib, waxay Saafi
tiri, “miyaadan u sheegin fariintii.” “Oo miyaanu kuu imaan” bay degdeg Sahra ugu
jawaabtay. Maya, iima imaan ee walal ku adkee fariinta ayey Saafi ku tidhi. Haye, walaal ayey
Sahra tiri. Sidaas ayeyna ku kala tageen. Markii uu soo xerogalay Siciid fiidkii, bay Sahra u
sheegtay fariintii, mar labaad. Waa yahay buu ku yiri Siciid. Waa intuu doonayey ee markii uu
ogaaday Saafi inay shabaqa caashaqa ku jirto, buu sanka taagay. Maalin saddexaadkii bay saafi
ugu timid guriga isagoo jooga, waxay ku tiri “soo tiraba labba goor faariin kuuma dhigin
gurigga?” Dabcan, waan se l mashquul sanaye, caawa ayaan kuu iman walaal. Nabadgaliyo.. Haye, nabaaddiinoo.. Saafi sidaas ayay kusoo dheelmatay. Hadduu habeenkii u tagayna, waa la isla gartay in jacaylka la isla wada sido, oo aan la isku keliyeyn…