Geeraarka dhulkiisa qawade
Xasan geeraarkan wuxuu curiyay markii uu arkay dad badan oo soomaaliyeed oo tacliin leh iyo kuwo kale oo aan lahaynba oo u xoogsi tagaya una dhoofaya dalal qalaad iyaga oo dhulkooda saluuggan. Isaga oo markaas garanaya dhibaatada ay taasi u leedahay hormarka dalka, ayuu geeraarkan dadka jaadkaas ah ku guubaabinayaa inay dalkooda aaminaan khayraadka korkiisa iyo ubucdiisa buuxana iimaansadaan kalana soo baxaan.
Wuxuu jidhi:-
Dheg bay doqoni leedahay
Dhabta aan u sheegine
Dhoylaawe waa kii
Dhabaabaco is qaadee
Dhulkiisoo xoroobiyo
Dhaqankiisa diidee
Dhabta maanta joogtiyo
Dhaayaha arkaynine
Dhaqashiyo dadkeenii
Dhimashaba wadaagyoo
Dhagax aanu jabiniyo
Dhoobada qodaalkiyo
Dhakal geela haystaa
Dhafaruur koley tahay
Dhuuniga uu quutaa
Dhididkiisa weeyoo
Dhalashaanu gaadhnee
Ninkii dhoofa maantee
Dhul shisheeye dagayow
Dhalliil baa ku raacdayoo
Dhunkaal baad qaniintee
Dhurwaaguba laf meel taal
Dhaaxuu calaashoo
Dhuuntiisa xagatoo
Dhiig kaga tifleeyee
Ha u dhuran walaalow
Dhidarkii cadhoodee
Dhogortiisa iibsaday